Muqdisho (RBC) Waxaa caawa fiidkii degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho lagu dilay Allah ha u naxariistee Col. Maxamuud Gaafow oo ahaa taliyihii ciidamada badda ee saldhigga Xamar.
Sida ay Raxanreeb u sheegeen ehelada marxuumka, rag illaa afar nin lagu sheegay oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Col Maxamuud Gaafow ku weeraray albaabka gurigiisa xilli uu ku jirey weyso qaadka salaada Maqrib oo xilligeeda la joogay.
Ehelada ayaa sheegay in Marxuumka ay rasaas fara badan madaxa iyo feeraha kaga fureen ragga soo weeraray iyadoo Col. Maxamuud uu isla goobta ku geeriyooday.
Kooxdii weerarka fulisay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen iyagoo aan la qabanin.
Geerida Col. Maxamuud Gaafow waxaa isla caawa ka tacsiyeeyey taliyaha ciidamada badda ee dalka Admiral Faarax Qarre oo sheegay inay tacsi qaran u dirayaan ehelka iyo dhammaan ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliyeed.
Admiral Faarax Qarre ayaa ku eedeeyay dilka Col. Maxamuud Gaafow inay ka dambeyso kooxda Al Shabaab oo sida uu sheegay horey dilal badan dalka gudihiisa uga geystay.
Lama yaqaano sababta ka dambeysa dilkan, inkastoo saraakiisha ciidamada ay sheegeen in ciidan ilaalo ah ay ku sugnaayeen guriga Col. Maxamuud Gaafow oo ah meesha dilka loogu geystay. Mana jiryo wax war ah oo laama amaanka Muqdisho gaar ahaan saraakiisha degmada Wadajir ay ka sheegeen dilkan caawa ka dhacay Muqdisho ee loo geystay taliyaha ciidamada badda ee saldhiga Xamar.
Taariikh kooban
Allah ha u naxariisteeCol. Maxamuud Gaafow wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii ciidamada gashay sanadkii 1960-kii markii xornimada Soomaaliya la siiyey isagoo mudo 53 sano ah ku jiray ciidamada Soomaaliya, wuxuuna soo maray heerar kala duwan ee ciidamada isagoo ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee ciidamada badda jamhuuriyadda Soomaaliya.
Col. Maxamuud Gaafow wuxuu derejada korneyl ka gaaray ciidamada badda, wuxuuna ku sugnaa Muqdisho mudadii burburka dalku ku jiray.
Markii dhowaan dib loo yagleelay hoggaanka ciidamada badda Soomaaliya waxaa Col. Maxamuud Gaafow loo magacaabay taliyaha saldhiga Xamar ee ciidamada badda, waxaana taliskiisa hoos imaanayey dhammaan ciidamada badda laga soo bilaabo gobolka Mudug illaa Shabeelaha Hoose degmooyinka xeebaha ku yaalla ee ay ciidamada talisyada ku lahaan jireen.
Marxuumka ayaa noqonaya sarkaalkii ugu derejada sarreeyay ee ciidamada qalabkasida ka mid ah oo lagu dilo Muqdisho mudo ka badan saddex sano.
RBC Radio
DEG DEG: Col Maxamuud Gaafow oo 53 Sano Ka Tirsanaa Ciidamad
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- MenaceToSociety
- SomaliNet Super
- Posts: 5030
- Joined: Wed Jan 11, 2012 2:34 pm
Re: DEG DEG: Col Maxamuud Gaafow oo 53 Sano Ka Tirsanaa Ciid
Just few weeks ago this deceased individual was on the news when he claimed that he lost 140k dollars inside the airport when the save was broken into. The cctv was even tempered with, still this dude announced to the whole world that the money was stolen at the most guarded place in Somalia today which is the airport. A lot of people thought only one person stole it and I aint gona mention it now that he can't defend himself.
That money was to renovate the immigration building.
Allla maxaa meesha corruption ka socda..140 k bey ku leeyihiin wey luntay on a daylight
That money was to renovate the immigration building.
Allla maxaa meesha corruption ka socda..140 k bey ku leeyihiin wey luntay on a daylight
- kambuli
- SomaliNet Super
- Posts: 17268
- Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
- Location: Proud Toothless Old Faqash Woman
Re: DEG DEG: Col Maxamuud Gaafow oo 53 Sano Ka Tirsanaa Ciid
Menace,
You are mixing oranges and apples here..The deceased is not the Gaafow you are talking about...That Gaafow is is the immigration guy..
You are mixing oranges and apples here..The deceased is not the Gaafow you are talking about...That Gaafow is is the immigration guy..

- MenaceToSociety
- SomaliNet Super
- Posts: 5030
- Joined: Wed Jan 11, 2012 2:34 pm
Re: DEG DEG: Col Maxamuud Gaafow oo 53 Sano Ka Tirsanaa Ciid
Ma gaafow kalaa jira? Holly molly! Alla ya rahma hadaa..but the other gafoow is corrupt, intii uu xaday isaga buu ku leeyahay qamsadii baa loo soo dhacay
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 26 Replies
- 145 Views
-
Last post by qoraxeey
-
- 28 Replies
- 1268 Views
-
Last post by afisoone
-
- 0 Replies
- 343 Views
-
Last post by Strategic
-
- 61 Replies
- 3954 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 2 Replies
- 615 Views
-
Last post by TAATIKO
-
- 0 Replies
- 435 Views
-
Last post by smooth
-
- 1 Replies
- 292 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 8 Replies
- 424 Views
-
Last post by Spursman
-
- 55 Replies
- 2052 Views
-
Last post by DANGIRL
-
- 0 Replies
- 310 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier