Galmudug oo ka calaacalayo Buntiland

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

Galmudug oo ka calaacalayo Buntiland

Post by Adali »

Maamulka Gal Mudug oo Xukuumadda Federaalka ugu baaqay in ay soo fara Geliso Muranka kala Dhaxeeya Pontland
somalia | Mar 19, 2013 | 0 comments








Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee maamulka Gal Mudug State oo saxaafadda la hadlay ayaa ka waramay Muranka u dhaxeeyay labada maamul ee Gal Mudug iyo Pontland.

Axmedbaasto ayaa sheegay in ay muddo dheer baadi goob ugu jireen in la siidaayo Dad u kala xiran labada dhinaca ama labada maamul hase yeeshee aan weli taa lagu guulaysan.axmed baasto ayaa dhankooda sheegay in ay sii daayeen dad ka soo jeeda Pontland oo ay hore u hayeen inta u hartayna ay dhawaan siideyn doonaan halka uu sheegay dhinaca Pontland in ay hayaan maxaabiis ka soo jeeda Koofurta gaalkacyo.

Wasiirka arrimaha Gudaha Gudaha Gal Mudug ayaa baaq u soo diray dawladda Federaalka Soomaaliya isagoona ka codsaday maadaama ay tahay Xukuumaddii dhexe ee labada maamulba ay hoos imaanayeen in arrintaasi ay soo dhex gasho isla markaana dhex dhexaadin ka gasho. Muranka kala dhaxeeya maamulka Pontland.

Dhawaan ayay ayay ahayd markii Maamulka Pontland Maxkamaddiisa darajada koowaad ay dil ku xukuntay Wiil Dhallinyara ah oo lagu magacaabo cabdicasiis kana soo jeeda Koofurta gaalkacyo ka gadaal markii lagu Eedeeyay inuu ka tirsan yahay xarakada shabaab oo dagaal kula jirta Pontland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka gal Mudug ayaa arrintaa ka dibad baxay iyagoona codsi u diray Madaxweyne Faroole si loo sii daayo wiilkaas Dilka ku Xakuman.

Si kasta ha ahaatee waxaa haatan jira muran xooggan oo u dhaxeeyaya labada maamulk ee ku aaddan dad ay kala haystaan labada dhinac in kastoo gal mudug dhankeeda ay sheegtay in ay sii daayeen inta badan maxaabiistii ay ka hayeen dhanka Pontland inta harsana ay sii deyn doonaan.



Xafiiska war qabadka Kismaayo 24 ee Muqdisho
MarsinQorahay
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3328
Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
Location: Hawd bartu geela ka daaqo.

Re: Galmudug oo ka calaacalayo Buntiland

Post by MarsinQorahay »

Change your picture :pac:
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Galmudug oo ka calaacalayo Buntiland

Post by SahanGalbeed »

insha Allah khayr .
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19029
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: Galmudug oo ka calaacalayo Buntiland

Post by FarhanYare »

:lol: :lol: ar kuwaan maxee dhiib isku qabaan
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”