Muqdisho (RBC) Illaa 850 askari oo ka mid ah ciidamada wadanka Siiralyoon oo qeyb ka mid ah ay hadda ku sugan yihiin magaalada Dhoobley ayaa lagu wadaa in dhowaan la geeyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada Siiralyoon ayaa la sheegayaa in tiro yar ay ka dhiman tahay kuwaasoo lala sugayo ciidanka hadda ka jooga xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, sidaasi waxaa xaqiijiyey afhayeenka guud ee ciidamada AMISOMCol. Cali Aadan Xumud.
Ciidamada Kenya ee hadda ku sugan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo oo kor u dhaafaya illaa 4,600 askari ayaa iyaguna lagu wadaa in qeyb ka mid ah laga daadgureeyo Soomaaliya dibna loogu celiyo wadankooda.
“Ciidamada Siiralyoon markay yimaadaan ciidamada Kenya waxaa la gaarsiin doonaa tiradooda in la eg tirada Siiralyoon.” ayuu yiri afhayeenka AMISOM Col. Xumud.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo boolis ah oo ka socda AMISOM ay dhowaan la wareegi doonaan amaanka magaalada Kismaayo,
Dhinaca kale taliska ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo oo qeyb ka ah hawlgalka AMISOM ayaa xaqiijiyey in ay tirada askarta ka joogta Soomaaliya ay yareyn doonaan ayna gaarsiin doonaan illaa 850 kaliya marka ay ciidamada kale ee Siiralyoon soo gaaraan gobolka,
sida uu Raxanreeb u sheegay taliyaha ciidamada Kenya Gen Antoni Ngere.
Saraakiisha Amisom waxay kaloo cadeeyeen inay si dhow ula socdaan qorshaha bixitaanka ciidamada Ethiopia- ee haddaba ka bilaabatay gobollada qaarkood, waxayna xaqiijiyeen in goobaha ay ka baxaan Ethiopianka loo diyaariyey ciidan Amisom iyo dawlada federaalka ka socda.
http://www.raxanreeb.com/2013/03/kismaa ... gureynayo/
Guul for HAG, Guul for SFG !!




