Guutada labaad (Second Division), of the troops sent from Ceelwaaq have entered Kismaayo, after being based in the outskirts. This is after Guutada Koowaad (First Division) took up positions in Kismaayo Airport for last couple of weeks. After finally entering the city, they set up their base in the old meat factory in the Workers neighborhood (Xaafada Shaqaalaha). This is an ominious sign after talks between the Kismaayo Administration and Federal government broke down, with no resolution in sight. Still no word from the Kismaayo Administration on this recent redeployment. In other news, Kenyan Amisom troops will begin to draw down their numbers, and Sierra Leon Amisiom troops fill their positions.
Mid kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada oo HOL ugu waramay qadka teleefonka ayaa sheegay in ciidamadani ay tiradooda gaareeyso ilaa 500 oo askari oo katirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in saraakiisha guutada labaad ee ciidamada xoogga dalka ay usoo badaleen in ay ka howlgalaan gobolka J/hoose.
Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadani aysan ahayn ciidamo qabiil balse ay ka koobanyihiin qabaa’illo kala duwan, wuxuuna intaa ku daray in ujeedka loo soo badalay ay tahay in ay xoojiyaan ciidamada dowladda ee howlgallada ka wada gobollada Jubooyinka.
Ciidamada ayaa imika saldhig ka sameystay warshaddii hore ee hilibka oo ka tirsan xaafadda shaqaalaha ee magaalada Kismaayo, waxaana ilaa imika jirin wax hadal ah oo ku aadan ciidamada soo gaaray magaalada oo kasoo baxay masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo.
Ciidamadan ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxa ay ku sugnaayeen duleedka magaalada Kismaay, waxaana soo badalaadooda ka dhashay khilaaf xooggan, iyadoona masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo ay kasoo horjeesteen in ciidamadani ay gudaha usoo galaan magaalada.
Xaaladda magaalada ayaa imika dagan wallow ay jirto cabsi ay dadka shacabka ah ka muujinayaan ciidamada cusub ee maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
