Ceeryaan (Crb)– Madax-dhaqameedka, waxgaradka iyo Masuuliyiin ay ka mid yihiin Maayarada Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag, ayaa maanta ku guulaystay inay soo afjaraan khilaaf colaadi horeedi gaadhay oo dhex yaalay labada beelood oo wada deegaanka Ceeryaan oo qiyaastii 50KM dhanka Koonfureed ka xigta Ceerigaabo.
Deegaanka Ceeryaan oo maalmihii u dambeeyay ay isku hor-fadhiyeen Maleeshiyo beelood ka soo kala jeeda labada beelood oo khilaafkoodu ku salaysnaa kala sheegashada deegaano dhulkaasi ka mid ah, ayaa maanta lagu guulaystay in la soo afjaro colaadaasi, ka dib markii ciidamada Milatariga iyo booliska oo is kaashanayaa ay gacanta ku soo dhigeen nin gacan ku dhiigle ah oo sida la sheegay hal nin toogasho ku dilay maalmihii khilaafka labada beelood cusbaa.
Ciidamada Milatariga iyo kuwo booliska oo halkaasi loo geeyay inay kala dhex fadhiistaan Maleeshiyo beeleedyada, ayaa gacanta ku dhigay lix ruux oo midkood yahay nin ka mid ahaa beesha ay iska soo horjeedeen, taasina waxay sahashay inay isa soo hor-fadhiistaan waxgaradka labada beelood isla-markaana isku fahmaan in la kala qaado Maleeshiyaadka, si wejiga labaad ee is aragoodana looga wada hadlo ubucda khilaafkooda.
Munaasibad lagu shaaciyey soo afjarida wejiga koowaad ee khilaafka, ayaa waxa ka qayb-galay Maayarada Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn, kuwaasi oo maanta halkaasi gaadhay, sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay Taliyayaasha ciidammada Boliiska iyo millateriga ee ciidamada aagaasi la geeyay, kuwaasi oo sheegay inay gacanta ku hayaan cidii dhibaatada sii balaadhisay oo ah hal nin oo qof dilay iyo shan qof oo taageerayay.
Madax-dhaqameedka labada beelood iyo Masuuliyiinta dhanka dawladda ka socday ayaa arintaasi aad uga mahad celiyay, waxayna balanqaadeen labada dhinacba inay dhankoodanabadgalyada ka ilaalinayaan, iyadda oo Madax-dhaqameedka labada beelood iyo culimaduna halkaasi ka balan-qaadeen inay wixii khilaaf ah ee labada beelood dhex yaala ay iyagu dhamaysan doonaan.
Khilaafka labada beelood ee lagu soo afjaray Ceeryaan
Moderator: Moderators
- CaynabaX
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1732
- Joined: Fri Jul 15, 2011 12:28 pm
- Location: 82' In between Hayeeyaasha, Baalidhaye and Coodanle
Khilaafka labada beelood ee lagu soo afjaray Ceeryaan
- rich-boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1635
- Joined: Wed Jan 30, 2008 6:26 am
- Location: Paris Seine saint denis Banlieue Nord gros
Re: Khilaafka labada beelood ee lagu soo afjaray Ceeryaan
Is it the feud between muusa ismaciil and habar jeclo ?
Re: Khilaafka labada beelood ee lagu soo afjaray Ceeryaan
I think Muusa Tuurwa and Uduruxmiin.

http://www.tvsomalilandeurope.net/?page ... etail=7203
Ceerigaabo(TVSLE)- Munaasibad ku qabsoontay magaalada Ceeryaan oo (koonfur-galbeed Ceerigaabo) Kulmisayna Intooda badan Madax-dhaqameedyada Beelaha Sanaag Maayorrada Degmooyinka Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo Xubno katirsan Xildhibaannada kale ee golayaasha degaanka degmoouinkaas Culimaa’u-diinka gobolka Sanaag Guurti iyo Waxgaradka labadan beelood ayaa waxa guud ahaan lagu soo afjaray wejigeedii kowaad ee isku dhaca labadan beelood oo sababay dhimashada hal nin oo toogasho lagu diley iyo ciidan-beeleedyo isu hubeeyey sidii halkaas foodda la isugu dari lahaa. Iyadoo ciidammada boliiska iyo millateriga gobolka Sanaag ee halkaas ka hawl gelayey ku guulaysteen in ay gacantooda galaan lix nin oo isugu jira gacan-ku-dhiiglihii iyo taageerayaashiisii oo caaqilkiisuna ka mid yahay.

http://www.tvsomalilandeurope.net/?page ... etail=7203
- CaynabaX
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1732
- Joined: Fri Jul 15, 2011 12:28 pm
- Location: 82' In between Hayeeyaasha, Baalidhaye and Coodanle
Re: Khilaafka labada beelood ee lagu soo afjaray Ceeryaan
Siciid it was between the Maxamuud Xaamuud and Bahsanbuur, lets build this diamond region called Sanaag instead of instigating misery between brotherly clans.
- kaliil
- SomaliNet Super

- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Khilaafka labada beelood ee lagu soo afjaray Ceeryaan
Caynaba waa runtaa maxamuud xaamud iyo bahsanbuur ayaa meesha isku haystay laakiin imika way heshiiyeen oo arinka waa la dhameeyey.
Re: Khilaafka labada beelood ee lagu soo afjaray Ceeryaan
Waan gartay. Maxamud Xamuud are southern Musa Ismail clan they live in Ceel Afweyn district and as far as Bohol from what I have heard.
From another news the governor of Sanaag talks about the importance of the road linking Burco and Ceerigaabo.
From another news the governor of Sanaag talks about the importance of the road linking Burco and Ceerigaabo.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 512 Views
-
Last post by mahoka
-
- 0 Replies
- 476 Views
-
Last post by kambuli
-
- 3 Replies
- 649 Views
-
Last post by TarTar
-
- 0 Replies
- 376 Views
-
Last post by foolxume2005
-
- 5 Replies
- 821 Views
-
Last post by Blue_609
-
- 0 Replies
- 313 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 2 Replies
- 442 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 9 Replies
- 1017 Views
-
Last post by kaliil
-
- 16 Replies
- 1878 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 1 Replies
- 621 Views
-
Last post by grandpakhalif