Khilaafka labada beelood ee lagu soo afjaray Ceeryaan
Posted: Sun Mar 31, 2013 3:01 pm
Ceeryaan (Crb)– Madax-dhaqameedka, waxgaradka iyo Masuuliyiin ay ka mid yihiin Maayarada Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag, ayaa maanta ku guulaystay inay soo afjaraan khilaaf colaadi horeedi gaadhay oo dhex yaalay labada beelood oo wada deegaanka Ceeryaan oo qiyaastii 50KM dhanka Koonfureed ka xigta Ceerigaabo.
Deegaanka Ceeryaan oo maalmihii u dambeeyay ay isku hor-fadhiyeen Maleeshiyo beelood ka soo kala jeeda labada beelood oo khilaafkoodu ku salaysnaa kala sheegashada deegaano dhulkaasi ka mid ah, ayaa maanta lagu guulaystay in la soo afjaro colaadaasi, ka dib markii ciidamada Milatariga iyo booliska oo is kaashanayaa ay gacanta ku soo dhigeen nin gacan ku dhiigle ah oo sida la sheegay hal nin toogasho ku dilay maalmihii khilaafka labada beelood cusbaa.
Ciidamada Milatariga iyo kuwo booliska oo halkaasi loo geeyay inay kala dhex fadhiistaan Maleeshiyo beeleedyada, ayaa gacanta ku dhigay lix ruux oo midkood yahay nin ka mid ahaa beesha ay iska soo horjeedeen, taasina waxay sahashay inay isa soo hor-fadhiistaan waxgaradka labada beelood isla-markaana isku fahmaan in la kala qaado Maleeshiyaadka, si wejiga labaad ee is aragoodana looga wada hadlo ubucda khilaafkooda.
Munaasibad lagu shaaciyey soo afjarida wejiga koowaad ee khilaafka, ayaa waxa ka qayb-galay Maayarada Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn, kuwaasi oo maanta halkaasi gaadhay, sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay Taliyayaasha ciidammada Boliiska iyo millateriga ee ciidamada aagaasi la geeyay, kuwaasi oo sheegay inay gacanta ku hayaan cidii dhibaatada sii balaadhisay oo ah hal nin oo qof dilay iyo shan qof oo taageerayay.
Madax-dhaqameedka labada beelood iyo Masuuliyiinta dhanka dawladda ka socday ayaa arintaasi aad uga mahad celiyay, waxayna balanqaadeen labada dhinacba inay dhankoodanabadgalyada ka ilaalinayaan, iyadda oo Madax-dhaqameedka labada beelood iyo culimaduna halkaasi ka balan-qaadeen inay wixii khilaaf ah ee labada beelood dhex yaala ay iyagu dhamaysan doonaan.
