Col. Xasan Maxamed Nuur Shaati-guduud oo Xanuun Awgiis ugu Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Waddanka Jamarlka
Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Col. Xasan Maxamed Nuur Shaati-guduud oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, soona qabtay xilal wasiirnimo kana mid noqday baarlamaannadii Soomaaliya ayaa xalay ugu geeriyooday xanuun awgiis dalka Jarmalka.
Marxuumka ayaa kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool wuxuuna horay u ahaa hoggaamiyihii kooxdii RRA oo ka dagalaami jirtay gobolladaas, isagoo kasoo ka mid noqday dowladdii lagu soo dhisay dalka Kenya uu madaxda ka ahaa Col. C/llaahi Yuusuf oo isaguna geeriyooday.
“Waxaa saakay nasoo gaartay inuu xalay gellinkii dambe ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Jarmalka Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliya, runtii waa geeri naxdin leh,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.
Siyaasigan ayaa muddo dheer xanuunsanayay isagoo xilkiis xildhibaanno ee uu ka hayay baarlamaankii hore uga tagay xanuun awgiis iyadoo xilkaas loo dhaariyay C/casiis Lafta-gareen oo ay isku hayb yihiin.
Col. Shaati-guduud wuxuu dagaal la galay ciidammo uu hoggaaminayay Jen. Caydiid oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii kooxaha Soomaalida, kaasoo ku geeriyooday Muqdisho sannadkii 1996-kii, xilligaas oo ay caasimadda ka socdeen dagaallo sokeeye oo xooggan.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna ka tacsiyeeyay geerida ku timid Shaati-guduud, isagoo sheegay in maydkiisa la keeni doono dalka laguna aasi doono, wuxuuna shacabka Somalida ka dalbaday inay u duceeyaan hoggaamiyahaas dhintay
AUN Xasan Maxamed Nuur (Shaati Gaduud)
Moderator: Moderators
- Turbulence
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2635
- Joined: Thu Sep 25, 2008 3:06 am
- Location: I take my time but I always win
Re: AUN Xasan Maxamed Nuur (Shaati Gaduud)
Shaatigaduud did a lot for tolkiisa but he was sidelined by others from bigger branches within Raxanwein. He was the man who freed the Raxanwein from USC occupation with Ethiopia's help. 

-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: AUN Xasan Maxamed Nuur (Shaati Gaduud)
His story should inspire the oppressed people of Shabelle Hoose....AUN!
Re: AUN Xasan Maxamed Nuur (Shaati Gaduud)
Turbalance, this guy was on a league of his own AUN
-
Original doqon, this isn't the topic to score some cheap points, either pay your respects to the Col or STHU

-
Original doqon, this isn't the topic to score some cheap points, either pay your respects to the Col or STHU

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 27 Replies
- 2556 Views
-
Last post by James Dahl
-
- 0 Replies
- 1102 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 11 Replies
- 2485 Views
-
Last post by Murax
-
- 0 Replies
- 740 Views
-
Last post by ChiefAaqil
-
- 1 Replies
- 650 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 11 Replies
- 2102 Views
-
Last post by JSLBerbera
-
- 0 Replies
- 545 Views
-
Last post by Voltage
-
- 21 Replies
- 6614 Views
-
Last post by Keyse_0208
-
- 1 Replies
- 842 Views
-
Last post by ayanleayanle
-
- 15 Replies
- 2039 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe