Page 1 of 1

Conference On Justice Reform Hosted By President Success

Posted: Sat Apr 06, 2013 12:01 am
by Murax
Shirweynihii Dib u Habeynta Garsoorka Soomaaliya oo la soo Gunaanaday iyo Warmurtiyeed laga soo saaray (SAWIRRO)



Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Gellinkii dambe maanta oo Jimco ah ayaa lasoo gabagabeeyay shirkii looga tashanayay dib u habeynta garsoorka dalka, kaasoo uu khudbad ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Warmurtiyeed laga soo saaray shirweynaha ayaa waxaa lagu soo bandhigay qodobbo talooyin u badnaa, wadaana talooyinkaas ka mid ahaa: In si deg-deg ah dib-u-habeyn loogu sameeyo hay’adaha garsoorka iyo kaabayaashooda si waafaqsan dastuurka federaalka iyo xaaladda ka jirta dalka. In si dhaqso ah loo sameeyo guddiga adeegga garsoorka si waafqasan dastuurka. In si dhaqso ah loosoo dhiso maxkamadda dastuuriga si waafaqsan dastuurka dalka iyo kuwo kale oo fara badan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa ku sheegay in loo baahan yahay in la qabto wax walba oo la qaban karo, wuxuuna xusay in looga gudbi karo caqabada jira iyadoo lagu kalsoonaado in waqti uun la gaari doono halka la doonayo in la gaaro.

“Innagoo Afgooye u soconna ma wanaagsana inaan ku doodno waqtiga aan gaari karno, haddii qof yiraado maan daqiiqado ku gaarno, qof kalena yiraah maan intaas ku gaarno, waxaa halkaas ka dhalanaya muran, laakiinse waxaa loo baahan yahay inaan isku qacinno waqtiga rasmiga ah ee la gaari karo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu kula dardaarmay ergadii shirkaas kasoo qaybgalay in ay dadaal badan u galaan sidii ay fikaradahooda ugu soo biirin lahaayeen kuwa ay maanta dhiibteen, isagoo xusay inuu rajeynayo in dalka uu helo garsoor cadaalad ah.



Image
Image
Image

Re: Conference On Justice Reform Hosted By President Success

Posted: Sat Apr 06, 2013 12:07 am
by Yohannes
Is anyone going to try to bring to justice all the gacandhiigleyaasha in the parliament, military and other branches of the Somali government right now?

Re: Conference On Justice Reform Hosted By President Success

Posted: Sat Apr 06, 2013 12:10 am
by Murax
Yohannes wrote:Is anyone going to try to bring to justice all the gacandhiigleyaasha in the parliament, military and other branches of the Somali government right now?

There are no warlords in the parlimient that was one of the requirements to become a Mp. As for the militairy well the Country was in a 20 something year civil war that is still pretty much going on. The key is stopping it from occuring now and in the future not dwelling on the past. Everybody has to move on.

Re: Conference On Justice Reform Hosted By President Success

Posted: Sat Apr 06, 2013 12:13 am
by AbdiWahab252
Murax,

Somalis are good at hosting conferences but suck at EXECUTION. That is where the challenge lies.

Re: Conference On Justice Reform Hosted By President Success

Posted: Sat Apr 06, 2013 12:17 am
by Titanium
A success indeed. I don't see a plastic chair in sight. We are moving forward :blessed:

Re: Conference On Justice Reform Hosted By President Success

Posted: Sat Apr 06, 2013 5:04 am
by GeoSeven
Titanium wrote:A success indeed. I don't see a plastic chair in sight. We are moving forward :blessed:
Wallahi thats exactly what caught my attention too :lol: