Page 1 of 1

Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sat Apr 06, 2013 3:26 pm
by Enlightened~Sista
..maxay somalidu si fudud oo waalan isu furaan?!! Xitaa halkan, forumers baa jira oo furan. Kuwaa aan rabin inay xaasaskooda furin..'minyaro aan rabaa' ayeey ku waasheeyn.


hayye discuss.

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sat Apr 06, 2013 3:29 pm
by xaliye123
Furitaanku ceeb ma´aha walaal, waxay dhaantaa laba qof oona is jeclayn oo hadana is ag fadhiya.

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sat Apr 06, 2013 3:33 pm
by hydrogen
Because they can get a younger one and they won't necessarily be judged in the event.

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sat Apr 06, 2013 3:36 pm
by Enlightened~Sista
xaliye123 wrote:Furitaanku ceeb ma´aha walaal, waxay dhaantaa laba qof oona is jeclayn oo hadana is ag fadhiya.

markay xad dhaaf noqoto waa ceeb!! :mindblown: I have no respect for people is furaa for no good reason, nimanka xaasskooda iyo caruurtooda ka dhaqaaqaan with such ease AND dumarka is kibiriyaa oo nimanka dabadda uu tuuraa. They should be ashamed of themselves because magaceyyna as a community ayeey dhulka ku masaxayaan.

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sat Apr 06, 2013 3:38 pm
by xaliye123
Waa fudaydka somalida uun iyo diintii oy ka yara fogadeen.

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sat Apr 06, 2013 3:44 pm
by Enlightened~Sista
xaliye123 wrote: waxay dhaantaa laba qof oona is jeclayn oo hadana is ag fadhiya.

oo awwalba markay is doorteyn oo is guursadeyn soo may isjeclayn, jaceylkaa maxaa ku dhacay? Unless aad isku xumaateyn, there is khiyaana, domestic violence etc etc then furiinba maaha inaa lagu fakaro. Waxaa kale oo dhan waa laga wadda hadli karaa oo waa la xaleeyn karra.

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sat Apr 06, 2013 3:48 pm
by Yohannes
Maybe when they discover there is more to married life than halal sex? Perhaps Somalis need to be trained in marriage counseling in areas with large Somali population, so young couples are ready before marriage and when conflict arises?

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sat Apr 06, 2013 3:51 pm
by xaliye123
Walaahi gabadhyay marwaad ku habontay, marba hadaad tidhi yaan laguba fekerin furiin.

Labada qof hadayna ku heshiinayn inay nolol wanaagsan ku wada noladaan de waxaa la qaatay inay is furaan mayna ahayn.

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sat Apr 06, 2013 4:11 pm
by hydrogen
sureeeeeeee

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sat Apr 06, 2013 5:26 pm
by Cunaaye25
patience patience ayaasan jirin.

tan labaad waa lacag.

Somalida runtii waa dad unstable ah emotionally sidey u badan yihiin.
Hilibkaas la cunayaa dhibkey dey leedahey. iyo dhiikarka ay qabaan.

waxaad oogaataa dumarkeena iyo Ragga soomaaliyeed, waa dad adag adag. Ninka waxuu rabaa inuu reerka xukumo oo la maqlo. qofta dumarka ah na waxey rabtaa iney ayda reerka xukunto iyo la maqlo.

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sat Apr 06, 2013 7:28 pm
by BlackVelvet
Aniga mugoow ma rabi laheyn in aan nin garoob ka dhigo lakin you never know nolosha wixi ey kugu soo turi karto. As for the min yaro folks kibir waaye, they would shit their pants hadii ey ku qaban laheyd xaskooda

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sun Apr 07, 2013 1:05 am
by KeligiiJabhad
Enlightened~Sista wrote:..maxay somalidu si fudud oo waalan isu furaan?!! Xitaa halkan, forumers baa jira oo furan. Kuwaa aan rabin inay xaasaskooda furin..'minyaro aan rabaa' ayeey ku waasheeyn.


hayye discuss.


Waxaan is-leeyahay dhawr qodob oo aas-aasi ah ayaa markeedii horeba meesha ka maqnaa, kuwaas oo labada qof ee isguursaneysa aysan si degen miisaanka u saarin kullankoodii koowaad iyo haasaawihii xiggey. Qodobbadaas waxaa ka mid ah:
b) Saldhig, iyo
t) Tiir Adag

Guurka waxaa Saldhig & tiir u ah Jacayl rasmi ah oo ka dhexeeya labada qof ee isqaba. Inta badan labada qof ee isqaba (wiil & gabar) waxay raadiyaan xal markii uu dhib soo kala dhex-gallo iyadoo furiinku uu yahay sheyga ugu dambeeya ee maankooda ku soo dhaca. Waxay labadan qof (ee sida dhabta ah isu jeceli) xoogga saraan hadiyo jeer sidii ay u furdaamin lahaayeen dhibka jira ayaga oo jaranjar kasta u fuullaya bal inay ka gun-gaaraan dhibka jira, waxa uu yahay, asal ahaan halka uu salka ku hayo, iyo maxaa lagu xallin karaa. Sababta ay ugu dadaallaan inay furiinka ugu dambeysiiyaana waa ayadoo ay ogyihiin in jacaylka ka dhexeeya ka baruud sareeyo dhibka & ikhtilaafka jira.

Bal qabsoo wiilka & gabadha noocan ah dhibkoodu waaba uu yar yahay oo Jacaylka ka dhexeeya ayaa awood u siinaya in midba kan kale xaq-dhawro, xannaaneeyo kuna dadaallo ka ilaallinta wixii dhib ah ama karaahiyo ah ee uu dhibsanayo lamaanihiisu; waxaana noloshooda Saldhig iyo tiir dhexaad u ah Jacayl maqaamkiisu sareeyo.

Haddiise uusan jirin Jacayl dabuubtiisa lagu sifayn karo busayl ku astaysan isu-hilloobid jacayl, waxay ila tahay in dhibku uu daaqad kasta ka imaan karo illeyn wuxuu og yahay in aanay ciddi iska difaaceyne. Diciifnimadaa xagga difaacuna waa tan aan isleeyahay waxaa u marti ah qoysas badan oo Soomaaliyeed, meeshay doonaanba ha jooggeene. Waxaad moodaa in loo batay waxa loo yaqaano, "Ku arkay oo ku Caashaqay; Ee cabaar ma ila caweyn"... Laba berri kadiba waxaa xigga aroos, guur, iyo guri aan tiir lahayn oo si sahlan dabayshu u kala kiciso.

Waa siday ila tahay (just my opinion).

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sun Apr 07, 2013 3:36 am
by ciyaal_warta
Furiinka waxyaabuhuu ilaahay jideeyay kan uuugu necebyahay waaye...furiinka laguma dagdago laakin nasiib darro ragga qaar ayaa boooto ka dhiga furiinka oo dumarka ugu booteeyo...raga qaarna sabarka ma yaqaaniin ayagoo oo ay ku yartahay ogaanshaha xaalada xaasaskooda

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sun Apr 07, 2013 4:44 am
by FarhanYare
beenta mahaan somalidu furitaan weey ku dagdagaan.. they have no patience, qofka bina adam waaye you are bound to piss each other off at some point. patience is the key and also a i think somehow somalidu guurka wey ku dagdagaan without fully knowing each other and so alot of the misunderstandings stem from that. :|

Re: Aanu ka hadalno fuuritaanka

Posted: Sun Apr 07, 2013 5:18 am
by waryaa
interesting topic... ES's "dad furan" - never heard of this term...

In somalia waa epidemic. waa yaryahay qof 20 gaaray oo aan wax furin ama la furin. just the other day nin ba shax ii keeny. while still in my office telkisa laso wacay, to make it short naag buu furay on the phone b4 my eyes - that simple. Waa farisiyey waana warestey. He said she was a headache.. lol

Qof baa (above posts) dhahay diinti ba laga fogaday - meeshan wadadada xataa have their share of this mess. waxay dumarka ku firan "ukhtii naftaa ku diiday."

Somaliada qurbaha: furinka badan waxa kenay (not limited to) waxa kamida:
1- women's new found economic power (be it work or welfare);
2- new more liberal environment.

Waxan la yaabay Aisians-ku still furinkodu aad bu u yaryahay xataa markay west-ga imaadeen.