Marka horeeto waxaan u mahad celinaa maamulayaasha websiteska khaarkooda oo articladayda sii daaya, laakin waxy I dheheen Afkaaga qalad badan oo ku jira, marka waxaan dhahaa ani waaba dadaaloohaayaa, haddii aan ku dheho “waa lees bac dhawi “ wax kaleento ma ahan “waa lees dagaali “ lee waaye, laakiin waxaan kuu hubaa inii oo dadkoo dhan si fiican ii fahmaayiin! Mar kaleent aan idin mahad celinaa.
Run ahaantii aniga waa u hambalyeeynaa dadka soomaalida ah ee ku shiraaya Kismaanyo ee maamulka dhisanaayo, waxaana leeyahay na hor gala waxaa idin hubaa inii reer Marka, Bay iyo Bakoolna ay idinku xigsanaayiin oo markii aa maamul samaysiin ay taas geeinimo gelihayso dad badan oo hadeer gabbanaaya oo loo xoog sheeganaayo.
Reer Baydhowe waxay ku maahmaahan: Haddii aas walaalka dhinto halkoo maalin aa ooyhee, laakiin haddii aas doqon noqdo maalin kasta aa ooynee! Saacid warkiisa wax iska cad waaye aniga ma khabi inii aas sidaas ku fiwooyahay, waxaa la ii sheegay inuu waxba la soconin oo wax kasta uu yahay go’aan loo soo dhibay.
Reer Marka aniga waxaan khabaa taariikhda been ma sheegto, goboldaaan Koonfurta wixii ugu horeeyay ee guumeystaha iska buriyay reer Marka ay ahaayeen, 1857dii wixii u horeeyay ee Saciid Barqash dagaalka ku khaaday reer Marka ay ahayeen, dadkaan abidkood gumeysi nacayb ay hiddo u lahaayeen, laakiin waxan ka xunnahay in dagaalka maanta Marka Ka socda uu u dhexeeyo dad walaal ah oo Soomaali ah, waxaas oo dhan waxy ka dhashteen xaqiraadda ay dowladda ku hayso dadkeeda.
Dadka oo Kismaanyo ku shirsan, xaqooda ay leeyihiin waaye in ay maamul dowladeed goboleed samaystaan, Galmudug xaqay u leeyihiin, reer Hiiraan xaq ay u leeyihiin, Bay iyo Bakool xaq ay u leeyihiin, dowladda waxaas oo dhan inay kaalmayso oo looga fadhiyaa ma ahin maamul lix bilood ah aan soo magacaabaa, maamul iska dhaaf ee gudoomiye xaafadeed xataa inii soo magacowdo xaq ma u lahan dowlada.
Dagaallada ka socda Marka dowladda waxay u gashay labo sababood: 1- Indhahaa macallin ah Federaalka ma rabto, iyo 2- in ree Marka lagu khasbo dad kaleeto inii xukumaan sida reer Benaadirka camal, waxaan warkii u dambeeyay aan makhlo la ii sheegay in ninka magaalada xooga ku joogo Axmed Macalin Cukaash uu diidyay inuu xilkii iska wareejiyo, laakiin dowladda indhaha ha kala khaado arinkaan sahal ma ihin, Soomaali dagaal uma ciil khabto, markii runta la sheego sida aan hadda arkooyno dalka dagaalkii aas ku laabanoohaayaa.
Cuna khabateenta hubka ha la iiga khaado ciyooba macnaheeda waa la jeedaa, dadkaan ku khabsanaa waaye, Markaan khabsanaa, Bay khabsanaa,hadda iyo is khabkhabsasho kow, laakiin dowladda waxa taariikhda yakhaano ma ku jiro miyaa? Aduunka dad la khabsado oo laska haysto ma jiro, Talyaani Xamaraas hasan jiray aaway? ma joogo meel oo xoog lagu heesto ii sheegbo adi, ma jirto.
Reer Jubboland waa dadaasheen, dowladda warkeeda wxaas ku dhammaaday wax kasta inii la ximiyo, maalinkoo Xaad aa khaylihaaya maalintoo kalana Axmed Diiriye, yaab aa ka socda! Annaka haddii nahay dadka reer Benaadir si oo niyad ah aan idinku hanbelyeeynooheynaa taalbo oo fiican aa khaadeen laakiin dhamees tirkii aa la idiinka rabaa, ilaa iyo hadda wax kasta baraanbar waaye, waxaa idinka dhiman xukuumad oo la dhiso.
Xamar wax kaleeto ma yaalo, Waa tashahaa tashan maysid, waa kuu talihaa, ii talin maysid, aan tahsano, tashan mayno, waxa oo Xamar yaalo wax dhamaahaayo ma ihin wax oo laysku ogalyahay maba jiro, wax kasta diidmo lee, madax-weynaha waxaas raacay diidmadii lee, wax kasta oo la sheego lixdii tiir ma ku jiraan, “Maya “ haddii dhehdid waa dhammaatay dowladda shaqo ma ku leh, adi wixii rabtid sheeg.
Dowladda wixii lixdeeda tiir aan ku jirin dastuur ma noqonaayaan (Prioritization) lixdaas tiir magacooda waaye, dastuur kaleeto ma jiro wixii dadka dhan ku soo daaleen waxaa waaye lixda tiir ee madax-weyne Xasan aa ka weynaadi, waxaa idiin sugoohaayo gobol badan oo raba in ay idinku daydaan, waa la idin fiirsanhaayaa guul haddii keentiin kuligooda guushooda waaye, waxaan idin sheegaa in haddi wax dhistiin xataa gobolka Benadir taageeradiina loo baxaayo.
Waxaa waaye madax-weynaha wixii ku fiicnaan lahaay ma samynin, waxaas iska daba galay colaaddii oo beelaha iyo khabiilka, markii u horeysay waxaas ka bilaabay aniga maqli kari DHulaa la iiga heestaa, Guriyaa la iiga heestaa, Beeraa la iiga heestaa, macnaha dadkii xoogga lagu heestay sidooda ha loo heesto miyaa? Col iyo cadaawo kow aas bilaabay ilaa hadana wali ku joogaa.
Reer Bay iyo Bakool, reer Marka, kuligooda diyaar waaye waxay sugooyaan in reer Jubboland dowlad halkoo mar lee ku dhwaaqaan, xataa waxaa jira dad oo ka soo jeedo goboladaasayto oo hadda dhex fadhiya shirka Jubboland diri inii soo fiiriyaan khaab iyo sida wax loo samnaayo, waxaa jira shirar oo dadka goboladaas ay ku leeyihiin dalaka Yurub oo looga tashnaayo sidii dowlad goboladaas loogu dhisi lahaa.
Dadaan nahay, Eeebeheena waa na karaameeyay, karaamadaas inii la ilaashado waajib waaye,magaalada Marka dowladda ma ka hadlayso, habeenkii shacabka baqtin aa lagu jiiftaa, dadka cabsi aa nafta ka khaadi, subax kasta dad aa lagu dilaa mana laga hadlaayo, laakiin waxaa jira rajo fiican haddii dowladda Jubboland la dhiso dhiiri gelin fiican waaye,haddii goboladaanayti Bay, Bakool, iyo Marka ay dowlad dhistaan, Galmudug, Ximin iyo Xeeb, Hiiraan kuli dowlado ay dhisanaayiin.
Reer Benadir, waxaan ku leeyahay ilmo haddii aamuso hoyadooda aa hilmaanta! Aamusnaata ha la iskiiga baxo, tabeelayaal ha la qaato, maalin kasta aajnabi aa Xamar imaada, marka in la soo baxo oo la dacwoodo aa xaq ah, 23sano dulmi aa ku soo jirteen intaan ka badan dokhoniimo waaye, manta nin oo nin kaleeto u xoog sheegan karo ma jiro, Xamar AMISOM aa jogtaa, UN aa joogta, Safaarado aa soo degeen marka reer Benadir inii dacwoodaan waaye, Codkiina inii la maqlo waaye.
Cadaaladda ha noolaato! Reer Juboland na hor gala, dadka oo kheeylihaaya wax ka makhan ma jiraan, waxaan shalay arki Xayir wasiirkii hore ee warfaafintaee dowladdii oo Juboland ka hadlaaya, xaq daradaas oo kaleeto, waxa Somaliland Buuhoodle ay ku hayso abidkiis ma soo hadal khaadin, yaa? U fiirso, guryahooda Ammaan waaye, inta baarlamaan ay ka yihiin, wasiir ay ka yihiin, khas lee u joogaan, Gen. Jaamac Gaalib Embagaati aan ku soo arki fitnah aas u joogi, waxaas inii la dhageesto ma ahan, marka hogaanka adinkaa noo heysiin, waa idiin taagee raynaa ee wax dhisa, Soomaaliya Ha Noolaato.
Reer Jubbaland na hor gala!
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1133
- Joined: Thu Nov 01, 2012 6:25 pm
- Location: Maxaa iga galay nin geel badan.
Re: Reer Jubbaland na hor gala!
this is just what they were afraid of MR Cusulow &HAG.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 294 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 1 Replies
- 676 Views
-
Last post by Libix
-
- 0 Replies
- 613 Views
-
Last post by shaamboo
-
- 0 Replies
- 339 Views
-
Last post by Soron
-
- 8 Replies
- 751 Views
-
Last post by Kramer
-
- 0 Replies
- 298 Views
-
Last post by Libaaxseendheer
-
- 1 Replies
- 514 Views
-
Last post by abodu
-
- 6 Replies
- 629 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 6 Replies
- 566 Views
-
Last post by zaki87
-
- 50 Replies
- 2978 Views
-
Last post by wolf424