UHURU KENYATTA: “Dhaqaale iyo fikir badan ayaan ku bixinnay

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

UHURU KENYATTA: “Dhaqaale iyo fikir badan ayaan ku bixinnay

Post by The_Patriot »

UHURU KENYATTA: “Dhaqaale iyo fikir badan ayaan ku bixinnay in Soomaaliya ay noqonto dal deggen, kam
UHURU KENYATTA: “Dhaqaale iyo fikir badan ayaan ku bixinnay in Soomaaliya ay noqonto dal deggen, kamana daalayno”


Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyata oo ka hadalyay xafladda dhaarintiisa ayaa sheegay inay rabaan in mustaqbalka dhow ay arkaan Soomaaliya oo nabad ah, isagoo sheegy in nabadda Kenya iyo tan Bariga Afrika ay ku xiran tahay deggenaasho ka dhasha Soomaaliya.

Kenyatta ayaa intaas ku daray in ciidanka Kenya ay u galeen Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxaha argagaxisada ah iyo burcad-badeedda oo uu sheegay inay caqabad ku noqdeen nabadda iyo horumarka gobolka ayna si gaar ah saameyn ugu yeesheen Kenya.

“Labaatankii sano ee lasoo dhaafay Kenya waxay dhaqale badan iyo fikir ku bixisay sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd dal deggen, oo kala dambeyn ay ka jirto,” ayuu yiri Kenyatta oo sheegay in dadaalkooda uusan joogsan doonin inta ya ka arkayaan Soomaaliya oo nabad ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dagaalka lagula jiro argagaxisad iyo burcad-badeedda uu udub dhexaad u yahay sidii Kenya ay ku gaari lahayd nabad iyo horumar dhinaca siyaasadda ah.

“Waxaan ballan-qaadayaa inaan bulshada caalamka kala shaqeyn doonno sidii loo xoojin lahaa taageerada ururka IGAD iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya ay dan weyn ugu jirto dhammaan caalamka.

Kenya ayaa waxay dhammaadkii sannadkii 2011 si iskeed ah ugu soo dirtay Soomaaliya kumannaan askarteeda, iyadoo sheegay inay la dagaalamayso Al-shabaab oo ay ku eedeysay inay falal ammaan-darro ka fulisay gudaha dalka Kenya, kuwaasoo ay ku jiraan dilal iyo afduubyo shaqaale ka tirsanaa hay’ado samafal oo caalami ah.

Ciidamada Kenya ayaa waxay sannadkii hore ku biireen howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna ku sugan yihiin haatan deegaanno ka tirsan Koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Uhuru Kenyatta ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxnimo ee dalka Kenya kaddib markii uu doorashadii madaxnimo ee dalkaas oo dhacday bishii hore uu kaga guuleystay ninkii ay tartanka adag ku jireen Raila Odinga oo diiday inuu maanta kasoo qaybgalo xafladda dhaarinta iyo caleemo-saarka Uhuru iyo ku xigeenkiisa William Rutu.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa madaxdii Afrika ee ka qaybgalay caleemo-saarka, iyadoo Kenyatta uu noqonayo madaxweynihii afaraad oo loo dhaariyo xilka madaxweynenimo ee dalka Kenya 50-kii sano ee dalkaas uu xorta yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
User avatar
SultanOrder
Posts: 21695
Joined: Thu Mar 26, 2009 10:10 pm
Location: Peace!

Re: UHURU KENYATTA: “Dhaqaale iyo fikir badan ayaan ku bixin

Post by SultanOrder »

He said that for the last two decades Kenya has put a lot of resources to dealing with Somalia's problems such as refugees, drought victims, etc. He also wants to strengthen IGAD and AU. He can pledge more money to IGAD and AU but that doesn't mean undermining Somalia's sovereignty. He hasn't said anything alarming, but we shall see what his actions are.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”