Faysal Cali Waraabe oo sheegay in Intii ay ku biiri lahaayee
Posted: Thu Apr 11, 2013 9:56 am
SourceFaysal Cali Waraabe oo sheegay in Intii ay ku biiri lahaayeen Soomaliya ay ku biirayaan Itoobiya
April 11, 2013 | Filed under: Wararka | Posted by: Webmaster
Iyadoo uu dhawaan ka bilaabanayo dalka Turkiga shir ay yeelanayaan Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa ka hadlay siyaasiga weyn ee Reer Soomaaliland Feysal Cali Waraabe, isagoo sheegay in shirka looga hadlayo sidii ay Soomaaliya iyo Soomaaliland wax u wada qabsan lahaayeen.
Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shirka marnaba aan looga hadli doonin isku biiritaan ama in ay Muqdisho hoostagaan, wuxuna sheegay in shirkaasi ay kaga hadli doonaan sidi ay wax u wada qabsan lahaayeen iyagoo Dowlado buuxa ah.
Feysal ayaa la weydiiyay Muqdisho iyo Adis Ababa mida ay ku qanacsan yihiin inay hoos tagaan oo laga maamulo, wuxuuna si cad u sheegay inay jecel yihiin inay hoos tagaan Adis Ababab inti laga maamuli lah
Hadalada Siyaasiga caanka ah ee Soomaaliland Feysal Cali Waraabe ayaa ah mid sax ah waayo Dowladda Soomaliya ee hadda jirta waxa ay noqotay mid ka amarqaadata Axmed Diiriye, Xaad iyo Cabdiqaasim Salaad Booy. Kuwaas oo ku heshiiyay in Magacii qaranka Soomaliya loo adeegsado in ay ku dhulbalaarsadaan deeganada beelaha kale.