Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
Moderator: Moderators
Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
Iyada oo Jumhuuriyada Somaliland iyo dalka Soomaaliya isku diyaarinayaan wadahadallada uu dhexdhexaadinayo Turkiga ee la filayo in ay ka dhacaan Ankara, ugana wadahadlaan xiriirkooda mustaqbalka, ayaa hadalla is khilaafasan oo ka soo baxaya mas'uuliyiinta labada dhinac waxa ay muujinayaan in ay wali ku kala fogyihiin qaddiyadda midnimada.
Bishii Janaayo 2012-kii, ayaa wakiillo ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay markii ugu horreeysay oo ay muddo 20 sano ah yeesheen kulamo laba-geesood ah, iyadoo kulanku uu dhacay intii uu socday Shirkii London ee arrimaha Soomaaliya, iyaga oo soo saaray qaraar loogu yeeray qeexidda "xiriirrada mustaqbalka".
Bishii Juun 2012-kii ayaa kulan ay Dubai ku yeesheen, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Xukuumadda Federaalka Kumeelgaarka ahayd (TFG) Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa ay isku raaceen in la sii wado wadahadallada laba-geesoodka ah, hase yeeshee labada dhinac ma ayan kulmin wixii intaa ka dambeeyay.
Markii ay Siilaanyo iyo wafdigiisu u dhoofayeen Turkiga Isniintii (8-dii Abriil) -- halkaa oo la rajaynayo in xukuumadda Turkigu ku marti-galinayso wadahadallo dhex mara Soomaaliya ka biloowdaan 13-ka Abriil -- ayuu hoggaamiyaha Somaliland waxa uu sheegay in dalkiisu uunan diyaar u ahayn in uu si buuxda ula midoobo dawladda federaalka Soomaaliya oo ay wali ku raad-joogaan sidii loogu aqoonsan lahaa dawlad madax-bannaan.
"Arrimaha la isku raaci doono waa kuwo cad dhammaanteenna waanu maleeyn karnaa waxay yihiin. Soomaaliya waxa ay rabtaa in dib loo midoobo iyo in aan dhammaanteen qayb ka noqono Soomaaliya, [laakiin] Somaliland wax ay rabtaa in la aqoonsado madax-bannaanideeda caalamkkuna ku raaco," ayuu yiri Siilaanyo. "Waa halkaas meesha uu khilaafku ka jiro, laakiin wali caalamka albaabada kama xiranayno. Waanu caddayn doonnaa ula-jeeddooyinkeenna, waannu soo qaddimi doonnaa qaddiyadaheenna oo difaaci doonnaa, waxanunna si cad u sheegi doonaa mowqifka uu taagan yahay dadkeenna."

Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
Tan iyo doorashadii Sebtember ee Madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xukuumadda federaalka waxa ay si ku celcelis ah u sheegtay in ay si buuxda u rumaysan tahay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya iyada oo loo marayo dhexdhexaadin. Sida ku cad nidaamka cusub ee federaalka Soomaaliya, Somalilanad waxa ay ka mid noqon doontaa gobolllada is-maamulka hoose leh ee hoos imanaya xukuumadda qaran.
"Maanta Soomaaliya ma mideeysna, laakiin waxan doonaynaa in aan mideeyno waanan mideeyn doonnaa. Waxan ku mideeyn doonnaa hab nabad ah," ayuu Maxamuud bishii hore ka sheegay Xarunta Cilmi-baarista Daraasaadka ee al-Jazeera ee Dooxa, sida uu sheegay Xarunta Warbaahinta Geeska Afrika ee fadhigeedu yahay Hargayasa. "Ma doonayno in aan ku mideeyno awood millatari ama cadaadis diblomaasiyeed. Waxan doonaynaa in ay wadahadallo dhex maraan Soomaalida."
Si kastaba ha ahaatee, bishi Febraayo, todobaad kadib markii xildhibaan loo xiray in uu khiyaamo kula kacay halkii uu ka soo jeeday ee Somaliland kadib markii uu shaqo ka qabtay xukuumadda federaalka, ayuu Siilaanyo ku celiyay in Somaliland diyaar u tahay in ay wadaxaajood shuruudo ku xiran yihiin la furto Soomaaliya si looga wadahadlo xiriirka iyada oo aan bilshardi laga gorgortamayn madax-bannaanida Somaliland.
Khudbaddiisii dastuuriga ahayd ee uu sannad walba kula hadlo labada gole ee barlamaanka ee 30-kii Janaayo, ayuu Siilaanyo ku celiyay rabitaanka Somaliland ee madax-bannaanida isaga oo sheegay in ayan jirin waddo kale oo furan.
Somaliland ayaa si iskeed ah ugu dhawaaqday madax-bannaanideeda Soomaaliya 1991-kii, haseyeeshee wali waxaa Muqdisho iyo beesha caalamkuba u arkaan in ay qayb ka tahay Soomaaliya.
"Sidii aan hore u sheegay, 100-sanadood haday gaadhayso qadiyadda madaxbanaanida Somaliland waa muqaddas, waxaanan ku kalsoonnahay inaynu si wadajir ah uga wada gudbi doono caqabad kasta oo inaga hortimaada," ayuu yiri Siilaanyo.
"Dawladda cusub ee Somalia waxaan jecelahay inay inoo dhexayso cilaaqaad fiican. waxaanu cid walba u sheegaynaa in aanay Somaliland dowlad u eheyn, mana na xukumaan, waxaynu dawladnimadeenii dib ula soo noqonay sannadkii 1991-kii," ayuu yiri.
"Maanta, waxaynu ku hawlannahay horumarinta dalkeena iyo aqoonsi aynu ka helo dunida. Dawladda Soomaaliya iyo dadkeeda waxaynu ka rajaynaynaa inay garwaaqsadaan inaynu u tashanay masiirkii ummadeena xaqna u leenahay, mana jirto cid jujuubi karta."
Mid kale oo arrimahaa la xiriirta, ayuu 15-kii Maarso, Siilaanyo waxa uu sheegay in Somaliland ayan ka qayb-gali doonin Shirka Soomaaliya ee ka dhacaya London 7-da May. "Waa martiqaad loo soo diray xukuumadda Soomaaliya annaguna kama qayb-qaadanayno martiqaad loo fidiyay Soomaaliya, waayo maaha arrin na khuseeysa," ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, xisibiyada Siyaasadda Somaliland, kuma midaysna taageerada hadallada Siilaanyo. Inkasta oo Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) uu taageeray xukuumadda, haddana Wadani waa uu dhalleeceeyay, isaga oo ku baaqay in wadatashi laga galo arrinka maadaama ay tahay qaddiyad "ku xiran ayaaha dadka".
Hadallada iska soo horjeeda ee hoggaamiyayaasha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo dalka Somaliland ay ka bixinayaan xiriirkooda mustaqbaleed waxa laga yaabaa in uu dhaawac u geeysto xal walba oo laga fili karo in uu ka soo baxo wadahadallada laba-geesoodka ah, sida uu qabo Sharmarke Cabdiraxmaan Ibraahim oo bare dhaqaale ka ah Jaamacadda Hargaysa.
Waxa wali laalan qaddiyado miisaan leh, sida wadahadallada xilligooda ka soo dib-dhacay, colaadda dabada-dheeraatay ee al-Shabaab ka waddo Soomaaliya iyo fikirka gurracan ee Somaliland ka qabto xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho, ayuu u sheegay Sabahi.
Sida ku cad qiyaasihii ugu dambeeyay, in ka badan 75 boqolkiiba dadka Somaliland waa dhallinyaro ku koray fikirka ah madax-bannaanida Somaliland, ayuu yiri Ibraahim.
"Waqtigaas dheeri [ee bilaabista wada-hadalku qaatay], wuxuu keenay in fekerku isbedelo, sababtoo ah dhalinyaradu waxay ku koreen iyagoo haysta nidaam go'itaan ah, sidan uun bayna u haystaan dawladnimada," ayuu yiri. "Ma dareensana muhiimadda qaran rasmi ahi leeyahay guud ahaan. Sidaa darteed, haddii afti laga qaado way muuqataa dhanka uu codka dhalinyaradu tegayo."
Siyaasiyiinta ayaa fogeeyay shacabka, taasoo sii adkeeysay in labada dhinac la isku keeno, ayuu yiri Xasan Cumar Xuseen oo ah xildhibaan hore.
"Wixii dhib ku dhacay gobolladii hore ee waqooyiga waa in loo raaco uun dawladdii waqtigaa jirtay," ayuu u sheegay Sabahi, isaga oo ula jeeday amarkii uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ku bixiyay in la garaaco magaalooyinka si uu u difaacdo xukunkiisa 1980-maadkii, taas oo sababtay dhimashada kumanaan qof.
"Xukuumaddii Barre siyaasiyiin Somaliland kasoo jeeda ayaa u shaqaynayay, kuwaasoo qaarkood maamulkii hore iyo kan haatan ee Somaliland ku jiraan," ayuu yiri Xuseen, oo la soo shaqeeyay xukuumaddii TFG-da ee Madaxweyne Axmed.
Dadka reer Somaliland waa in ay qaataan dastuurka cusub ee Soomaaliya, kaasoo gobollada u ogol is maamul kii hore ka ballaaran oo ku qeexan hannaanka federaalka, laakiin ma uu oggola gooni-goosadnimada, ayuu yiri Xuseen. "Federaalku faa’iido ayuu u leeyahay Somaliland, waayo sidii hore la isuguma milmayo, waxayna qaybtooda ka helayaan wixii caawimo ah ee Soomaaliya ay hesho," ayuu yiri.
Ismaaciil Xuseen Maxamed, oo ah arday xiriirka caalamiga ah ka barta xarunta Hargaysa ee Jaamacadda New Generation, ayaa sheegay in uu goob-joog u ahaa oo shakhsiyan u soo arkay isku dayo muwaadiniinta Somaliland loogu dhiiri-galinayo in ayan aaminin Soomaaliya.
Qaar ka mida wadiiqooyinka loo maray in kalsooni darro la beero waxaa ka mid ahaa in si joogto ah loo soo xasuusiyo dadka Somaliland wixii la soo maray iyada oo la isticmaalayo muuqaallada diyaaradihii dagaalka oo dulmaraya Hargaysa oo duqeeynaya dadkeeda. "Waxay astaan u tahay nacaybka loo abuuray dadka [koonfurta] Soomaaliya," ayuu u sheegay Sabahi.
Siyaasiyiintu waa in ay ka dhoowrsadaan weedhaha cuqdadda abuuri kara ee keeni kara is-aaminaad-la'aanta labada dhinac, ayuu yiri.
Soomaaliya iyo Somaliland waa ina ay sii wadaan wadaxaajoodka ku aaddan sidii loo qeexi lahaa xiriirkooda mustaqbalka, laakiin Maxamed waxa uu sheegay in uu rajaynayo in xalka ugu dambeeya uu ku yimaado qaab codeeyn ah. "Waana lama-huraan inay timaado afti dadweyne oo ay bulshada caalamkuna markhtaati ka noqoto," ayuu yiri.

-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
Lol@ caruurta madoow.
I didnt know Isaaq were caucasian
Where is Yalaxoow so he can show us pictures of ordinary people in Hargeisa, Burco and Berbera

- Notorious13
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1113
- Joined: Sun Aug 14, 2011 7:02 pm
- Location: Dhulkii Hawd
Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
There isn't going to be any agreements. Somaliland wants goosni isku taag respect from xamar. Xamar will never give the aqoonsi might as well continue what somaliland is doing without aqoonsi and go our separate ways these talks are a waste of time unless somaliland is trying to be a state in the Somali federal system. Whats the point of having talks with someone who's already made their decision.
Somaliland = We will not give up our self declared sovereignty
Somalia = We will never recognize Somaliland
why meet?
Somaliland = We will not give up our self declared sovereignty
Somalia = We will never recognize Somaliland
why meet?
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
Notorious13 wrote:There isn't going to be any agreements. Somaliland wants goosni isku taag respect from xamar. Xamar will never give the aqoonsi might as well continue what somaliland is doing without aqoonsi and go our separate ways these talks are a waste of time unless somaliland is trying to be a state in the Somali federal system. Whats the point of having talks with someone who's already made their decision.
Somaliland = We will not give up our self declared sovereignty
Somalia = We will never recognize Somaliland
why meet?
Very true.
I dont think Ethiopia-Eritrea style will be followed by Somalia. Unlike Ethiopia, Somalia holds strong to unity.
So Sland should cancel the talks and seek other ways of getting ictiraaf unless there will be new agreements which gives isaaq more representation in the Somali Govt. Its time that Faqash are made Foreign minister as punishment for what the tyrant did to somali people and the treason of abdullahi yusuf.
Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
The uk has told somaliland there is no independence but you come up with other ideas and you must do some thing and we can help you with that like a northern-southern-based-power sharing where is the PM is from north.
Since then, the ball is in the court of somaliland and they are expected to respond.
The somaliland leaders have thought their people to believe firmly in the truth of somaliland so they cant descend from that political position and had no other ideas at all. Now they seem like they are in the decision-making situation they are also trying to put pressure on the somali government before it gets bigger they dont want to challenge and stay away they want to talk and get more involved.
For the somali government they have more southren prolems and they are not thinking of somaliland before getting strongger but there are general interests that somalia and somaliland share together like attracting foreing investments so they must cooperate on security and keeping the peace and stability.

- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
The process of these talks are good , politics is not black and white some compromise will be negotiatioted along the lines not in the upcoming talks maybe the frame work will be set in those talks. What will be discussed is sharing the AID the world allocated for the former Somali republic and sharing expertise on both sides. Helping each other in the region in the fight against terrorism and the Somalia government will recognize the defacto boundaries of Somaliland. At some point the talks will be tight and there will be no room because former debt will be discussed and everything along the line would have been discussed. on the case of Somaliland state hood , the walanweyns will have a hard time accepting that and they wont accept it. But when the talks dry up the international community will form a team of mediators from western countries and than a compramise will be reached something along the line to a referendum or temporally union or Somaliland sending troops to Somalia.
Eritrea ethiopia was different EPLF and TPLF were the best friends and closes brothers the TPLF of meles zenawi were never ever opposed to eritreas independence they supported it and believed eritrea should be independent , EPLF fighters captured addis ababa after the TPLF defeated the derg at the battle of shire together they marched to addis ababa and ousted mengistu , a conference was held in london a transitional government was set up and isaias afawerki and the world with the TPLF agreed that he should set up a provincial administration in asmara and prepare the people for a referendum. And so it was agreed.
Had the USC AND SNM captured Somalia and Somaliland together and both sides supported each other they could have shared the country or each side could have his part and they still could be good friends.
Eritrea ethiopia was different EPLF and TPLF were the best friends and closes brothers the TPLF of meles zenawi were never ever opposed to eritreas independence they supported it and believed eritrea should be independent , EPLF fighters captured addis ababa after the TPLF defeated the derg at the battle of shire together they marched to addis ababa and ousted mengistu , a conference was held in london a transitional government was set up and isaias afawerki and the world with the TPLF agreed that he should set up a provincial administration in asmara and prepare the people for a referendum. And so it was agreed.
Had the USC AND SNM captured Somalia and Somaliland together and both sides supported each other they could have shared the country or each side could have his part and they still could be good friends.
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
Somaliland is not after political seats nor were they promised to get a PM why would they be given that , it wa never even mentioned you should not believe into much into sheeko suuqyada , the british are indifferent and they do not want to get involved in these talks as mediator for nowsahal80 wrote:The uk has told somaliland there is no independence but you come up with other ideas and you must do some thing and we can help you with that like a northern-southern-based-power sharing where is the PM is from north.
Since then, the ball is in the court of somaliland and they are expected to respond.
The somaliland leaders have thought their people to believe firmly in the truth of somaliland so they cant descend from that political position and had no other ideas at all. Now they seem like they are in the decision-making situation they are also trying to put pressure on the somali government before it gets bigger they dont want to challenge and stay away they want to talk and get more involved.
For the somali government they have more southren prolems and they are not thinking of somaliland before getting strongger but there are general interests that somalia and somaliland share together like attracting foreing investments so they must cooperate on security and keeping the peace and stability.
But in the future the Europeans might get involved. The world has clearly said so many times on the case of recognition we want Somalia and Somaliland to agree on it the question is what will happen if they dont agree what is next, will the interfere will the fairly mediate i think the latter will come but first the talks need to fail for that to happen.
Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
Khalid Ali,
If a referendum in Somaliland were to be held today, what do you think the percentage of the vote will be for an independent Somaliland? Would it be 50/50? 70/30? I know all the youth are for an independent Somaliland depending on the area. I've seen it for myself. All they know is Somaliland but the young people who would be voting would be 18-29 and not 0-18. Not all young people are eligible to vote. The older generation support will not be as high as the younger generation but I still think it will be strong. But if a referendum were to occur in all of British Somaliland, what do you think will be the outcome?
If a referendum in Somaliland were to be held today, what do you think the percentage of the vote will be for an independent Somaliland? Would it be 50/50? 70/30? I know all the youth are for an independent Somaliland depending on the area. I've seen it for myself. All they know is Somaliland but the young people who would be voting would be 18-29 and not 0-18. Not all young people are eligible to vote. The older generation support will not be as high as the younger generation but I still think it will be strong. But if a referendum were to occur in all of British Somaliland, what do you think will be the outcome?
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
Titanium wrote:Khalid Ali,

Close to 82% for independence
Not just the youth the old generation they one who made the union feel very bad they united with Somalia and they are the hardest supporters of independence these days so the generation of Siilanyo and so on. But in Somaliland the vast majority who live in SL are between 25 and 35 they are the bulk of the people in SL. But proper voter registration need to be done before a UN supervised referendum can take place , i dont think they would even go that path , because they know if a referendum was given every one would vote for independence , even including those in laascanood there are many who would support that there are also many who would oppose SL , if all added up from awdal to maroodijeex saaxil sanaag togddheer Sool 82% would vote for independence
Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
What do you think will eventually occur? What do you think will be the final outcome not of these talks but this whole dispute over independence and unity? Not what you want but what is likely to happen?khalid ali wrote:Titanium wrote:Khalid Ali,
If a referendum in Somaliland were to be held today, what do you think the percentage of the vote will be for an independent Somaliland? Would it be 50/50? 70/30? I know all the youth are for an independent Somaliland depending on the area. I've seen it for myself. All they know is Somaliland but the young people who would be voting would be 18-29 and not 0-18. Not all young people are eligible to vote. The older generation support will not be as high as the younger generation but I still think it will be strong. But if a referendum were to occur in all of British Somaliland, what do you think will be the outcome?
Close to 82% for independence
Not just the youth the old generation they one who made the union feel very bad they united with Somalia and they are the hardest supporters of independence these days so the generation of Siilanyo and so on. But in Somaliland the vast majority who live in SL are between 25 and 35 they are the bulk of the people in SL. But proper voter registration need to be done before a UN supervised referendum can take place , i dont think they would even go that path , because they know if a referendum was given every one would vote for independence , even including those in laascanood there are many who would support that there are also many who would oppose SL , if all added up from awdal to maroodijeex saaxil sanaag togddheer Sool 82% would vote for independence
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
I think it will take a long process for a final settlement to be reached i think that will come when there will be clear mediators in these talks other than that no major progress will be made any times soon , on the case of SL recognition how ever SL in the mean time would develop its country with its minimum resources. And Somalia will do the same but for these talks to really go one side there need to be some compromise and i dont see that happening any time soon on both sides. Unless there will be some kind of miracle 

- Lionheart10
- SomaliNetizen
- Posts: 567
- Joined: Tue Jan 15, 2013 11:56 am
- Location: Realms of impossibility
Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
We all know what will happen. There will only be one Somalia. Just give it a rest.
Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
Khalid Ali,
Let us see which side will budge first.
Let us see which side will budge first.
Listen, either contribute to the conversation in a mature manner or get lost. All opinions are respected. Just don't be childish in presenting it.Lionheart10 wrote:We all know what will happen. There will only be one Somalia. Just give it a rest.
- Lionheart10
- SomaliNetizen
- Posts: 567
- Joined: Tue Jan 15, 2013 11:56 am
- Location: Realms of impossibility
Re: Wadahadalka Somaliland iyo caruurta madoow!
I was just giving my opinion.I'm 100% sure that Somalia will not be broken up. It is not in the interest of any major powers or any international organization.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 15 Replies
- 1255 Views
-
Last post by Kramer
-
- 0 Replies
- 12 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 0 Replies
- 337 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 9 Replies
- 1001 Views
-
Last post by Slick44
-
- 3 Replies
- 2156 Views
-
Last post by J-EASY
-
- 15 Replies
- 19181 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 7 Replies
- 1475 Views
-
Last post by AhmedBoqor
-
- 3 Replies
- 588 Views
-
Last post by Avicenna
-
- 22 Replies
- 988 Views
-
Last post by Chris*Milian
-
- 10 Replies
- 992 Views
-
Last post by OliveOil