Muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga oo lagu dilay Qarax Ismiidaami ah oo ka dhacay Xarunta Soomaaliya ee Muqdisho
Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Qarax ay ku dhinteen labo ruux oo u dhashay dalka Turkiga, haweeney Soomaali ah iyo qofkii weerarka fuliya ayaa ka dhacay waddada isku xirta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Weerarkan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa lagu dhuftay gaari ay la socdeen muwaadiniinta Turkiga ah, taasoo keentay inay goobtaas ku dhintaan labadii Turkiga ahaa iyo haweeney Soomaali ah.
“Qaraxan waxaa ka dambeeyay Al-shabaab waxaana lagu dilay laba Turki ah iyo haweeney Soomaaliyeed, laba qof oo kale oo kala ahaa cunug yar iyo qof dumar ahna way ku dhaawacmeen,” ayuu yiri taliyaha saldhigga degmada Waaberi, C/fitaax Sabriye oo la hadlay saxaafadda.
Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay qaraxaan ka dambeysay ayaa hadda dowladdu waxay ku eedeynaysaa Al-shabaab, mana jiraan wax hadal oo weli kasoo baxay dhinaca Al-shabaab.
Labadan ruux ee u dhashay dalka Turkiga ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo lagu dilay Soomaaliya tan iyo markii ay hay’ado laga leeyahay dalka Turkiga ay howlo gargaar ah ka bilaabeen Soomaaliya sannadkii 2011 oo ay abaaro xooggan ka dhaceen gobollada koonfureed ee Soomaaliya.
Qaraxan lagu dilay muwaadiniinta Turkiga ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli kooxo hubeysan oo la sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ay weerar ku qaadeen dhismaha maxkamadda gobolka Banaadir, kaasoo dhaliyay khasaarooyin nafeed oo aad u fara badan.
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta kacsan, iyadoo la xiray jidadka waaweyn ee caasimadda loona diiday inay dadka iyo gaadiidku maraan, waxaana madaxda dowladdu ay weerarradan ku tilmaameen kuwo argagaxiso oo aan waxba u dhimayn horay u socoshada Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan
Aslong Govt treats terrorists humane expect more deadly attacks.
2 Turks killed by Terrorists
Moderator: Moderators
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
- hargaysaay
- SomaliNet Super

- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: 2 Turks killed by Terrorists
i have said not long ago our walanweyn brothas aint decisive at all
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 802 Views
-
Last post by WasteMan
-
- 1 Replies
- 563 Views
-
Last post by DayaxJeclee
-
- 23 Replies
- 2071 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 4 Replies
- 829 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 1 Replies
- 1229 Views
-
Last post by TheGrumpyGeeljire
-
- 4 Replies
- 698 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 4 Replies
- 845 Views
-
Last post by DarthSomali
-
- 7 Replies
- 1035 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 0 Replies
- 304 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 1 Replies
- 637 Views
-
Last post by XimanJaale