DOORASHOOYINKA DEGAANADA DDSI OO MAANTA SI RASMI AH UGA BILO

xaliye123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1133
Joined: Thu Nov 01, 2012 6:25 pm
Location: Maxaa iga galay nin geel badan.

DOORASHOOYINKA DEGAANADA DDSI OO MAANTA SI RASMI AH UGA BILO

Post by xaliye123 »

JIGJJIGA - Xafiiska doorashooiynka ee DDSI ayaa shaaca ka qaaday in dadweynha ku dhaqan gobolku ay codkaada bixinayaan si ay u doortaan dawladaha degmooyinka ee gobolka. Gudoomiyaha xafiiska doorashada, Maxamooud Xabiib, ayaa u sheegay colka wararka in dadweynahu codkaada u bixinayaan si nabad ah oo dimuqraadi ah.


Doorashada ayaa 6-dii subaxnimo maanta ka bilowday DDSI kadib markii sanduuqyadii doorashada ay hubiyaan dad doorasahada loogu talagalay in ay goobjoog ka ahaadaan.


Gudida doorashada ayaa shaaca ka qaaday in 178 goobood codadka laga dhiibanayo islamrkaana dad gaadahaya 3.2 milyan ay isu diiwangaliyeen doorasahada.


Sidoo kale, madaxa xaruunta dhaxe ee xisbiga talada gobolka haya, Axmad Shukri, ayaa sheegay in doorashada ay ka dhacayso dhamaanba 68 degmo ee gobolku ka kooban yahay iyo tuulooyinka hoos taga.


Shukri ayaa ku dhawaaqay in ay doorashada u tartamayaan 3 xisbi oo kala ah:XDSHSI, WSLF iyo xisbiga Diil-wabi. Waxaa uu intaa ju daray, in xisbiga talada dalka hayaa diyaariyey musharaxiin gaadahysa ilaa 60,000 oo heerar kala duwan uga qaybgalaya doorashada.


Doorasahada deegaanada ayaa manta ka bilaabanatay Itoobiya oo idil.

:mindblown:
Wadaadadi baaba ku tartamaya golaha degaan,,,Cajiib.
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Re: DOORASHOOYINKA DEGAANADA DDSI OO MAANTA SI RASMI AH UGA

Post by EEGA9 »

don't be naive bro...:lol: :lol: :lol: :lol: @election
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”