SourceMaxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabeelada Hoose, Halka ay yaalaan iyo Magacyada cida iska leh ee ay lacagta ka soo gasho?Waxaa wax aad looga naxo ah in xilligan oo ay Dowlad federal ah ay ka jirto Dalka Soomaliyeed, oo ragga hogaaminayo lagu xanto in ay aqoon leeyihiin, aysana ka qeyb qaaday Dagaaladii ka dhacay Soomaliya ay maanta madaxda Dowladda eeganayaan dhibaatada xun ee lagu hayo Shacabka Gobolka Shabellada Hoose.
Madaxda Dowladda waxa ay eeganayaan qaar ka mid ah masúuliyiinta Dowladda oo ay isbaarooyin gaaraya ilaa iyo 21 ay u taalo Dhamaan degmooyinka laga xureeyay Al-shabab ee Gobolka Shabellada Hoose, oo ay lacago baad ah kaga qaadanayaan dadka rayidka ah.
Haddaba, Isbaaroyiinka yaala Gobolka Shebellada Hoose iyo magacyada shakhsiyaadka ay lacagta ka soo gasho ayaa kala ah:
1- Isgoyska Ceelasha Biyaha(Waa deegaanka Barakayaashii Muqdisho) waxay u taalaa Gudoomiyaha Lafoole C/laahi Jabeey Habargidir CEYR ah.
2-Siinka dheer waxaa yaalo labo isbaaro waxayna u yaalaan JENERAL Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) oo horay u ahaa taliyihii maleeshiyada Dooxada Juba(Walaalaha Galgaduud)ee madaxda ka ahaa Qabqable Bare Hiiraale waana nin CEYR ah haatana waa taliyaha Guutada 3-aad ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.
3-Meel aan ka fogayn oo 100 Mitir kaliya u jirtana waxaa Isbaara u taal maleeshiyo beeleed ka amar qaata Sh.C/qaadir Cali Cumar waa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha waana H/gidir Saleebaan.
4-Al-Nasri 3 waxaa yaala 5 isbaaro oo isku jira min 20 Mitir.
5-Irida hore ee Jaamacadii Lafoole waxay u taal maleeshiyo ku heyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh waana meesha loo yaqaan Shanta Golaha sare.
6-Carbiska waxay u taalaa Milateriga dowlada oo ku heyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh waana tan ugu waxyeelada badan dhanka shacabka.
7- Baar-Ismaaciil waxay u taalaa Milateriga dowlada waxayna ka amar qaataan sarkaal lagu magacaabo Hurdaaye oo Madaxweynaha ku beel ah.
8-Laanta Buuro waxay u taal Milateriga dowlada beel ahaana waa Abgaal.
9-Number 50 waxay u taalaa Gudoomiyaha degmada Number 50 C/laahi Waafow oo beesha Biimaal kasoo jeeda.
10-Shalanbood waxay u taalaa Maleeshiyo Beeleed isku dhaf ah (Habargidir iyo Gare)waxayna si toos ah ugu xiran yihiin Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose C/qaadir Siidii.
11-Isbaarada Buufow(Degmada Marka) waxay u taalaa Milateriga dowlada ninka lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne & C/qaadir Siidii Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose .
12-Ceeljaale(Degmada Marka) waxay u taal Milateriga dowlada.
13- Janaale waa Isbaarada ugu Dakhliga badan isbaarooyinka waxaana shirko ku ah C/qaadir Siidii Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose iyo Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) oo uu wakiil uga yahay wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo kuna dhaawacmey dagaalkii Marko, hada kumeel gaar ahaan waxaa u jooga sarkaal lagu magacaabo INA CEELBUUR.
14-Cabdow Dibile isbaaradaaan waa tan ugu dambeysay oo la soo dhigay waxayna u taalaa Milateriga dowlada ku heyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh.
15-Aw-dheegle waxaa isbaaro ay u taalaa C/qaadir Siidii Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose & Ciidankii laga soo wareejiyey Marko, waxaana shirko ku ah sida tan Janaale oo kale Gudoomiyaha Gobalka C/qaadir Siidii & Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) Taliyaha Guutada 3-aad ee ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Ex-hogaamiye maleeshiyada beesha Cayr.
16-Mokeyga Afgooye waxaa Isbaara u taalaa Cabdi Ileys oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Afgooye waana Murusade.
17- Tixsiile waxay u taal Sarkaal maleeshiyo oo lagu magacaabo Maxamed Raage Dhiilow oo kuheyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh.
18-Warmaxan waxay u Taalaa Jeneral Cali Ciise Caraaye(Gacmodulle),waxaana wakiil u ah sarkaal uu adeer u yahay lagu magacaabo (FOR-FOR) waa Abgaal.
19- Wanla-weyn waxay u taalaa Sarkaal lagu magacaabo Cumar Cali Cadow oo wakiil ka ah Sarkaal lagu magacaabo Muuse Gurre oo xiligii WARLORDka ahaa Ninkii heysan jirey Boondheere & Shibis.
20- Yaaqbiri-weyne waxay u taalaa isbaaro nin uu Tuuladaas u magacaabey Gudoomiyaha Gobalka Sh/hoose C/qaadir Siidii taasoo uu isna Shirko kula yahay.
21. Leego isbaaradaan waa Shirko Saddex geesood ah, waxaana shirko ku ah Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose C/qaadir Siidii, Milateriga dowlada & Gudoomiyaha Tuulada uu u magacaabey C/qaadir Siidii oo lagu magacaabo Abuukar Leego.
Inkasta oo ay Isbaarooyinku intaan ka badnaayeen ayaa hadana kuwani waxaan u soo qaatay inay ahaayeen kuwo in la sheego u baahan hadaba Shabeelaha hoose 21 Sano kadib 21 Isbaaro in la dhigto qaybaha yar ee gobolka ee laga saaray Shabaab ma waanay taasi daliil u ahayn in gobolku uu markale u baahan yahay dib u xorayn?.
Mise xaalku waa Soomaalidu ma xishootee wey baqdaa si ay kuu nabadgelisana sharta uga hormar!.
Waxaa kaloo iyana jirta oo in la iftiimiyo u baahan Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose oo aan marnaba ka hadlin dhibta lagu hayo shacabka ay metelaan ee ku nool gobolka Shabeelaha hoose iyadoo aan la ogeyn sababta keentey in ay marqaati kaliya ka noqdaan dhibta lagu hayo dadka ay matalaan.
Waxaa kaloo u baahan in la xuso in ummada Soomaaliyeed maanta ku heshiisey nidaamka Federalka taasoo micnaheedu yahay in deegaan kasta dadka ku nool ay ayagu ka tashadaan kana shaqeeyaan aayahooda mar kale waa iga su’aale sida ay aayahooda uga tashan karaan dad Ciidankii difaaci lahaa Diiranaaya?
Abdiaziz ShSalah
Wadajirradio Atlanta.
Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabeelada
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabeelada
-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabee
This all sanctioned by the socalled Govt.
Abdulqasim carried out the same policy during his term, i.e arm and finance his Ceyr subclan.
Hassan Sheikh is a H/G stooge.
The empowerment of H/G after being defeated will set the stage for Abgaal H/G clashes in the future.
Abdulqasim carried out the same policy during his term, i.e arm and finance his Ceyr subclan.
Hassan Sheikh is a H/G stooge.
The empowerment of H/G after being defeated will set the stage for Abgaal H/G clashes in the future.
- Zizzz
- SomaliNetizen
- Posts: 332
- Joined: Sat Oct 01, 2011 12:06 pm
- Location: In a cave, in Cavelandia.
Re: Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabee
^^Hehe so Ceyr is the Rothschild family of Somalia? My brother OD caadi iska dhig. Wal walka iyo walbahaarka HG kaa heyso waa unfounded. Faqishini Laascaanood ma idinla dagaan bro?
Much love my khaatumo brethren
Much love my khaatumo brethren

-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabee
Bruv....Caydiid...Abdulqasim......ICU......Hassan Sheikh.
- FarhanYare
- SomaliNet Super
- Posts: 19029
- Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
- Location: Location:Location
- Zizzz
- SomaliNetizen
- Posts: 332
- Joined: Sat Oct 01, 2011 12:06 pm
- Location: In a cave, in Cavelandia.
Re: Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabee
Caydiid= Sacad
Abdiqasim=Lambar afar
Ethiopia apposing him etc.
ICU= Was a a product of the people. Wadaads being sold left and right to the highest bidder and to further add insult to injury the warlords who stole our freedom funded by Amurica starded the Alliance for the Restoration of Peace(
) and Counter-Terrorism. The only fault of theirs was Indhocadde.
Xassan Shiekh= the first Somali president in 22 years with world wide recognition and support. Never left the country, always helped the poor and then there is Simad. His history is enough evidence for anyone who hasn't a poisened heart my Khaatumo brethren
Abdiqasim=Lambar afar

ICU= Was a a product of the people. Wadaads being sold left and right to the highest bidder and to further add insult to injury the warlords who stole our freedom funded by Amurica starded the Alliance for the Restoration of Peace(

Xassan Shiekh= the first Somali president in 22 years with world wide recognition and support. Never left the country, always helped the poor and then there is Simad. His history is enough evidence for anyone who hasn't a poisened heart my Khaatumo brethren

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 339 Views
-
Last post by Kramer
-
- 0 Replies
- 240 Views
-
Last post by siciid harti
-
- 9 Replies
- 1560 Views
-
Last post by original dervish
-
- 5 Replies
- 379 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 1 Replies
- 470 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 16 Replies
- 1312 Views
-
Last post by Minneapolis Mayor
-
- 0 Replies
- 255 Views
-
Last post by adanboy
-
- 19 Replies
- 1313 Views
-
Last post by Spursman
-
- 9 Replies
- 1058 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 7 Replies
- 779 Views
-
Last post by Advo