Ethiopian rebel factions invited to a meeting by US.

MarsinQorahay
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3328
Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
Location: Hawd bartu geela ka daaqo.

Ethiopian rebel factions invited to a meeting by US.

Post by MarsinQorahay »

Warbaahinta Ogadentoday Press ayaa illo-siyaasadeed u sheegeen in Jabhadda ONLF oo u dagaalanta gooni isutaaga Dhulka Soomaalidda Ogaadeeniya lagu casuumey kullan xasaasi ah oo Dalka Maraykanka loogu qabanayo Mucaaradka Itoobiya.

Warbaahinta Ogadentoday ayaa ka codsatay Illaha Siyaasadeed cadayn isla markaasna loo soo gudbiyay nuqulka qoraal oo muujinaya Casuumadda Jabhadda ONLF loo diray, waxaana laga codsaday inaan la soo galin Warbaahinta Illaa go,aan ka soo baxa Jabhadda ONLF inay kullankan aqbasho ama diido.

Jabhadda ONLF ayaa sheegtay inay ka fiirsanayso ka qayb galka kullankaas, sida Illaha siyaasadeed u xaqiijiyeen Ogadentoday Press.

Warka waxaa la sii raaciyay in Dowladda Maraykanka ay qaban qaabisay kullankan oo la iskugu keenayo dhamaan Mucaaradka hubaysan iyo midkaan hubaysnayn ee Dowladda Itoobiya ku kacsan.

Kullankan ayaa waxaa la shegay in looga hadlayo, Mustaqbalka siyaasadeed ee Itoobiya Iyo jiritaanka Nidaamka Qoomiyadahha ee Itoobiya, hiragalinta Demoqraadiyadda Iyo Cadaaladda, waxaana sidoo kalle looga hadlayaa, Qoomiyaha gooni- istaaga raba iyo sababaha ay u rabaan.

Dowladda Maraykanka ayaa la sheegay inay doonayso inay xal ka gaaraan arrimaha Gobalka Ogaden sidaas daraadeed loogu yeedhay Jabhadda ONLF.

Masuul Jabhadda ONLF ka tirsan oo aan wax ka waydiinay casuumaaddan ayaa ka gaabsaday inuu wax faah-faahin ah naga siiyo.

Kullankan waxaa ka soo shaqeeyay Mucaaradka Gobalka Axmaaradda.

ONLF ayaa u dagaalamaysa gooni isu taaga Dhulka Soomaalidda Ogaden tan iyo sannadkii 1993.

Dowladda Itoobiya iyo ONLF ayaa sannadkii 2012 wadda haddal xal looga gaadhaya Qaddiyadda Ogaden ku qabsatay Dalka Kenya, halkaas Madaxwaynah hore ee Kenya, Moi Kibaki uu qorshaha waday isla markaasna kullankaas ayaa ku dhamaaday natiijo la,aan.


Wixii ka soo kordha dib ayaan ka gudbin doonaa.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”