
“Baarlamaanka Soomaaliya kama hadli karo Heshiiskii dhexmaray Somalia iyo Somaliland”
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad ayaa diiday mooshin laga keenay Heshiiskii Dhexmaray Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ee Ankara.
Cawad ayaa sheegay in mooshinkaas uu ka horimaanayo dastuurka Soomaaliya u dagan, sidaa daraadeedna aan laga doodayn.
Kulanka maanta ay yesheen mudaneyaasha Baarlamanka ayaa looga hadlay ajandahii ahaa soo bandhigida qodobadii ka soo baxay wada hadalkii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland.
“Barnaamijka xukuumadda ee la meel-mariyay 13-kii Novmber 2012, wuxuu xukuumadda siinayaa awood ay ku qabsato howlaha siyaasadda dalka, sidaa daraadeed golaha baarlamaanku ma faragelin karo howlaha xukuumadda ee dhinaca siyaasadda (...) Xildhibaannadii mooshinka soo gudbiyay waxaan ku leeyahay mooshinkan ma ahan mid sharciga waafaqsan sidaa daraadeed loogama hadlayo shirka baarlamaanka arrintaas, balse waxaad xaq u leedihiin inaad u yeertaan qaar ka mid ah xubnihii ka qaybgalay si aad su’aalo u weydiisaan" Ayuu yiri Cawad.
Xildhibaano ayaa dhawaan u gudbiyeen baarlamaanka ka hadalka heshiiskii dalka Turkiga ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somailand.[/quote]
Security council
The agreement between President Hassan Sheikh Mohamud and the Somaliland administration to continue dialogue and increase co-operation, signed earlier this month, is a welcome step forward.