This is what am talking about

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
ugaaskaHG
Posts: 52
Joined: Tue Jan 15, 2013 4:23 am
Location: ..

This is what am talking about

Post by ugaaskaHG »

finally they seemed to get their priorities in check :dj:


Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay; Iyadoo baqdin laga qabo in Al-shabaab ay Weerarro geysato



Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waana maalintii labaad oo jidadka Muqdisho intooda badan ay xiran yihiin, waxaana ma’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ay shegeen in laga baqdin qabo in Al-shabaab ay falal argagaxiso ka geysato Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ahna ku simaha guddomiyaha gobolka, Cali Axmed Guure ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay sidii lagu badbaadin lahaa nolosha shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay heleen fariimo ku saabsan in Al-shabaab ay qorsheynayso inay qaraxyo geysato.

“Dowladda dhexe iyo maamulka gobolka Banaadir waxay go’aansadeen inay sameeyaan howlgallo lagu adkeynayo ammaanka Muqdisho si looga hortago falalka guracan ee ay qorsheynayaan kooxaha nabadda diiddan, shacabkana waxaan ka codsanaynaa inay gacan ku siiyaan ciidamada sidii ammaanka lagu sugi lahaa,” ayuu yiri Cali Axmed Guure.

addooyinka waaweyn ee Muqdisho sida isgoyska KM-4 iyo jidka Maka Al-Mukarama oo ah kuwa ugu mashquulka iyo ciriiriga badan ayaan maanta shaqeynyn, waxaana ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo u diidaya gaadiidku inay maraan.

“Maalintii lahaad ayaan maanta socod ku maraynaa jidadka waaweyn ee Muqdisho, meel walba waxaa taagan ciidammo aad u feejigan, inkastoo ay dadku meel ku dhow marayaan haddana ma ogola in gaadiidku ay jidadka maraan,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada dukaamada ku leh waddada Maka Al-mukarama.

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta shaqaalaha adduunka ayaa la joojiyay xaflado badan oo ka dhici lahaa Muqdisho, kuwaasoo lagu xusayay maalinta shaqaalaha, sababo la xiriira xirnaanshaha magaalada, balse waxaa jira in goobo kale oo Muqdisho ka tirsan lagu qabanayo xaflado maalintan lagu xusayo.

“Ciidamadu rasaas ayay ridayaan meelaha qaarkood, kuwaasoo digniin ay uga dhigayaan gaadiidka doonaya inay waddooyinkaas maraan, arrintan waa mid ku cusub Muqdisho oo aanan horay u arag,” ayay tiri haweeney ka mid ah dadkii saakay ku lugeynayay waddooyinka xiran.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay soconayaan qorshayaasha lagu sugayo ammaanka guud ee caasimadda, iyagoo sheegay in Al-shabaab ay qorsheynayso inay weerarro argagaxiso ka geysato Muqdisho.
User avatar
waryaa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5889
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

Re: This is what am talking about

Post by waryaa »

This is the worst thing they have done in their entire existence! Whoever had this idea should be court marshaled :( The mofos closed all arteries, businesses are losing money, ppl are even missing their non-refundable flights, sick/wounded ppl cannot be taken to hospitals! Women are having babies in their cars. VIPs who never drove in back alleys are now forced to drive in not-so-safe/unfriendly neighborhoods.

It may look awesome from outside but it sucks big time!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”