Haweeneydaani waxaa ay sheegtay in 20-kii sano ee burburka in dhibaatada dalka taal magac ahaan loo siman yahay laakiin dadka muddulood ay si gaar ah dhibaatadu iyaga ugu du socoto mar hadii deegaankooda uu noqday halka ugu badan ee dhibaatadu ka taagan tahay.
“waxaan nahay dad xadaaradodu aad ugu fogtahay gabdhahooduna raga ka danbeeyaan,waxaan ka dhalanay meesha ugu qiimaha iyo quruxda badan deegaan ahaan, waxaana nahay dad Alle wax walba u dheeli tirey sida Diin,dhaqan,Bad,webi xoolo iyo deegaan intaba hadana waxaan u egnahay dad marti ka ah, waxaas oo nimco alle na siiyay”ayay tiri Bakiin Maaxi Macalin
Bakiin ayaa xustay dhulka Mudulood ay ku nool yihiin meel aan sidaa u kala dheereyn islamarkaana ay macquul tahay inay baahan yihiin dadka beesha ku abtirsada qaarkood.
“xoolo ma u waayin ee anagaa u diidnay waxii aan heysanay,waxaa muuqata inay jiraan kuwo badan oo meel banaan ku hooyanaya”ayay mar kale tiri
“waa inaan helnaa xaqa ay Dowlada dhexe aan ku leenahay sida maamulada kale ee iminka Dowlada la shaqeeya sida Galmudug iyo Puntland”ayay mar kale tiri Bakiin Maaxi Macalin
Sidoo kale waxay ka digtay dhul boob lagu hayo hantida Mudulood iyadoo Dowlada u soo jeedisay inay wax ka qabato inteysan dhibaato kale keenin.
“Raggena muddulood waa inay ogoladaan inaan u soo gudbino fariin culus anagoo ku hadleyna magaca haweenka gabdhaha Mududlood ,waxaan nahay gabdho murugeysan, waxaan nahay gabdho meel cidlo ah oo diriiq yaal inaad guriga nagu soo celisaan ayaana rabnaa taasna waxaa lagu gaari karnaa in guud ahaan beeshu isu tanaasulo is cafiso wax isla qabsato”
Bakiin Maaxi Macalin waxay ka dhawaajisay in maamul kasta ee jira uu leeyahay Gole marjac sidaa daraadeed ay muhiim tahay in Beeshu isu timaado islamarkaana yeelato Gole marjac iyo dhaqan taliya oo laga danbeeyo uuna ugu horeeyo imaamka iyo Ugaaska.
“wixii maanta ka danbeeya waxaan rabnaa inaan yeelano gole marjac oo imaamku hogaamiyo oo noo taliyo “ayay mar kale tiri
“waxaan nahay dad deegaankooda loogu yimid haddana marti ka ah waxaan leenahay madaxweyne xldhibanao cuqaal, haween iyo rag hadana qof qof yaqaan naguma jrto,kuwa gudaha waxa ka sii liita kuwa dibada”ayay mar kale tiri Bakiin
“hadaan doorano maamul waxaan heleynaa waxa ay heleen maamulada kale”ayay mar kale tiri Bakiin Maaxi iyadoo soo jeedisay in Maamulka mudulood dhisan doono uu xaq u leeyahay inuu helo waxa ay dowlada dhexe ka helaan maamulada kale ee hada jira.
Dhanka kale Bakiin Maaxi Macalin iyadoo ku hadleysay magaca Muddulood waxay Beesha Ciise Mudulood uga tacsiyeeysay wixii qaladaad ah ee ay ka tabanayaan beesha Abgaal.
“waxaan aamin sanahay inay macquul tahay inaan reerka mudulood isku keeno hadaan nahay haweenka beesha Mudulood “ayay mar kale ka dhawaajisay Bakiin Maaxi Macalin
“wiilasheeba waxay ku jiraan xabsiyada gabdhaheenan waxay u dhintaa dar yee la’aan dhanka caafimaadka gaar ahaan marka ay foolanayaan ma helaan isbitaalo kaafiya,sidoo kale qashika magaalada waxaa loo soo qaadaa dhankeena”ayay tiri Bakiin Maaxi
ugu danbeyn waxay ka codsatay Dowlada dhexe inay il gaar eegaan dadka Muddulood ah oo dad Dowlad ku nool ah,iyo dad nabadeed isamarkaana ay mashaariic horumarineed ka fuliyaan dhulka ay degto beeshaasi oo ah mid aad u baaxad weyn.


