


Adis ababa 3 May, 2013 — Pi– Kulankii maanta dhexmarey Dowladaha ku bahoobey IGAD oo looga hadlayey arimaha Soomaaliya ayaa lagu heshiiyey Qodobo dhowra, waxaa lagu faalnqeeyey Xaalada Soomaaliya iyadoo Madaxweyne xasan Sheikh uu dalbadey in shirka Kismaayo isaga lagusoo Wareejiyo, dood dheer ayaa arintaas ka dhacdey waxaana aakhirkii la isla meel dhigey in la taageero dhamaystirka shaqada hada socota oo ah Maamulka loo sameynayo Jubooyinka, Waxaana loo xilsaarey iney xaalada la socdaan Gudi uu hogaaminayo Xoghayaha IGAD kana koobnaan doona Dowlada Federaalka Soomaaliya, Hal xubin oo ka socda Wadamada IGAD wadan kasta.
Sida aan Warar hoose ku helney Dowlada Kenya ayaa si cad u diidey in Dowlada Federaalku loo ogolaado ajandaha ay wataan ee ku saabsan Arimaha Jubooyinka, iyadoo Kenya ay sheegeen in Shaqadaan ay tahay Mid horey loogu heshiiyey, qaybna ka ahaayeen Roadmapkii lagusoo dhisey xukuumadaan, sidaas awgeed aysan garanayn sababkeentey in IGAD loogu kalsoonaan waayo shaqada ay fududeynayaan shirka jubooyinka, Itoobiya ayaa iyana ku taageertey.
Kulanka maanta ayaa ahaa mid uu Madaxweyne xasan Sheikh kala kulmey sidii uu filayay marka laga hadlo Arimaha Jubooyinka, Waxaa kaloo la isla soo qaadey Qodobo dhowra oo ku saabsan amaanka,Xuquuqul insaanka, iyo Arimaha Qoxootiga Soomaaliyeed.