Hargeysa- Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Maamulka Somaliland Eng Feysal Cali Waraabe ayaa kahadlay arimo badan isagoo ugu horeyn ka hadlay ugu horayn shir ay qaban qaabadiisu ka socoto Somaliland oo dib loogu habaynayo laama kala duwan ee Maamulkaasi
Wuxuu sheegay Feysal Cali Waraabe shirkaasi in uu ka dhici doono Magaalada Hargaisa ee xarunta Maamulka Somaliland, isgaoona xusay in ay kasoo qayb galayaan qaybaha kala duwan ee Siyaasiyiinta iyo wax garadka Somaliland, isla markaana dib loogu eego doono waxyaabihii laso qabtay inta hagaagtay iyo Caqabadaha hortaagan.
Shaqo La’aanta ka jirta Somaliland
Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay deeganada Somaliland in ay ka jirto Shaqo La’aan baahsan taasoo saamaysay dhamaanba qaybaha Bulshada, Sababaha keenay shaqo la’aanta ayuu ku micneeyay Eng Feysal in ay tahay dhaqaalaha Somaliland oo wali aan soo kobcin isla markaana u baahan in la sameeyo maalgalin iyo shaqo abuur si dhalinta kasoo baxda Jaamacadaha ay u haleen fursad ay shaqo wanaagsan ku heli karaan.
Shirkii Ankara
Guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay Shirkii ay ku yeesheen Madaxda Somalida iyo Maamulka Somaliland Magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turkiga in uusan ka turjumayn mid Somaliland lagu siinayay aqoonsi, isagoona xusay Somaliya inaysan aqoon sanayn dowladd la yiraahdo Somaliland, wuxuuna dhinaca kale si kulul u weeraray Siyaasiyiinta Shirkaasi sida khaldan u turjumay.
Maamulka Khatumo
Maamul la yiraahdo Khatumo ayuu sheegay Eng Feysal Cali Waraabe in uusan jirin, isagoona ku micneeyay arinta Khatumo mid uu Cali Khaliif Galayr dhoodhoobay isla markaana ah wuxuu xusay in uu ka jiro Magaalada Talxeex.
“Waa wax lagu qoslo nin wayn oo Prof sheeganaya in uu sameeyo 3 Madaxwayne, waana dad ajande gaara leh, waa dad doonaya iyagu hadii ay iska waayaan in uusan dalku dagin, ina Khaliif Galayr wax walba oo xil uu ku heli karo waa isku dayay laakiin waxaan sheegayaa in uu yahay nin Fashilmay, ayuu yiri Feysal Cali Waraabe .
Shirkii Garowe ku dhex maray Madaxwayne Xasan Shekh iyo Maamulka Puntland
Feysal Cali Waraabe ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya in ay tixgalin aysan mudnayn siinayso Puntland, wuxuuna ugu baaqay Xasan Sheekh Maxamuud in uu nabadeeyo Muqdisho kadibna uu dib u howlgaliyo dhamaan adeegyadii Bulshada.
Mr Waraabe ayaa xusay intaasi hadii la howlgaliyo inaysan cidi ku harayn Puntland isla markaana ay dadku kasoo hayaamayaan Puntland markaasina ay Puntland dantu ku qasbayso inay dadkeeda dhinaca ka raacdo, waa sida uu hadalka u dhigee.
Arimaha Jubbooyinka
Eng Feysal ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ay ku wajahday Jubbooyinka qaabkii ugu haboonaa isla markaana ay haboontahay marka hore in la sameeyo Maamulo KMG ah oo ka shaqeeyo horumarinta deeganada kadib markii ay si buuxda gacanta dowladda u gashanaya ay dowladdu diyaariso qorshayaashii Maamul goboleedka loogu samayn lahaa deeganadaasi.
Shirka ka soconaya Magaalada Kismaayo ayuu sheegay inuu yahay mid ay ku jiraan gacmo shisheeyo isla markaana laga leeyahay dano gaar ah dadkiina la caburinayo.
Wuxuu ugu baaqay shacabka Jubbooyinka in ay dowladda ku taageeran arimaha Jubbooyinka sidii ay ku xalin lahayd wuxuuna ugu baaqay shacabka Jubbland in ay ka shaqeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen Maamul wanaagsan.
Mar uu kahadlayay dadka gacanta ku haya Shirka Kismaayo aragtidiisa in ay yihiin dadkii Xaqa u lahaa Maamul u samaynta deeganadaasi, ayuu sheegay dad badan oo xaq u leh in ay ku suganyihiin Kismaayo isagoona tusaale usoo qaatay beesha Absame oo uu sheegay in ay dagto Afmadow.
Feysal ayaa shegay ina Cabdirashiid Cali Sharmaake marka la yirahdo shirka Kismaayo ayuu qab qable ka yahay arintaasi dad badan layaab in ay ku noqonayso “Waxa kamid ah la yaabka Jubbooyinka Ina Cabdirashiid oo Boosaaso ka yimid ayaa qab qable ka ah, hadii la yiraahdo Jubbooyinka anigoo Feysal Cali Waraabe ah ayaa oga dhow Kismaayo ina Cabdirashiid” ayuu yiri.
Wuxuu ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay gayso Kismaayo Ciidamo si ay ogala wareegaan Ciidamadda Shisheeye ee ku sugan Kismaayo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in la doonayo in la isku geeyo dhul aan is qaban Tusaale ahaan wuxuu sheegay Feysal Cali Waraabe dadka ku sugan Kismaayo qaarkood in ay ku fikirayaan in hal maamul loo sameeyo, Kilil5, NFD, iyo Jubbooyinka, wuxuuna ku tilmaamay arintaasi Riyo Maalmeed.
Mar wax laga waydiiyay Feysal warar sheegaya in ay jiraan Iskaashi Beleed ay wadaan Siyaasiyiin ay kamid yihiin Madaxwayne Xasan Sheekh, Madaxwayne Gelle iyo Siyaasin kasoo jeeda Somaliland, taasi oo loogu Magac daray dib u soo noolaynta Irir ayuu ku Jawaabay.
“Adeer waa wax lagu qoslo warkaasina ma jiro Shirkii aynu ku yeelanay Turkiga ayay u bixiyeen Shirkii IRIR marka arintaasi waa been iyo Dacaayad ay wadaan dad aan doonayn Wada hadalada labada dhinac”
Feysal ayaa sheegay in ay sii socon doonaan Wada hadalada Labada dhinac wax walba oo dacaayad ahna ay u dul qaadan doonaan.
Wada hadalada Somaliya iyo Maamulka Somaliland.
Feysal ayaa sheegay wada hadalada Somaliya iyo Maamulka Somaliland in ay sii socon doonaan wuxuuna rajo xumo ka muujiyay labada dhianc in ay dib u midoobaan isla markaana ay noqdaan Jamhuuriyada Soomaaliya.
“Wiil 20 Jir ah Hooyadiis laguma Celin karo Somaliland iyo Somalia sidaas ayay isku yihiin, wax dhibaato ah malahan Somaliland hadii ay ka go’do koonfurta Soomaaliya, Xasan Sheekh maxamuud waxba iskuma keeni karo 5tii Somaliya waa nin iska hadlaya, anagaa barigii hore dal banay inaan ku biirno Somaliya hadana anagaa go’aankaas qaadanay.
Arinta Dam-jadiid.
Feysal oo ka hadlayay arinta Dam-jadiid oo ah Urur Diimeed la sheego inuu ka tirsanyahay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu shegay ururkaasi warbaahinta Caalamku in ay sheegeen Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka tirsan yahay, isagoona xusay wax dhibaato ah inaysan lahayn in lagu biro Urur Diimeed.
Ugu danbeyntii ayuu sheegay Feysal Cali Waraabe shirka London in aysan ka qayb galayn Somaliland isagoona xusay shirkaasi In loo qabanayo dhinacyada Somalida isla markaana uusan ahayn mid Somaliland dani ugu jirto.”
Hargeysa-Somaliland
http://warqaad.com/waraysiga-feysal-cali-waraabe/
Faysal Cali Waraabe Ka Hadlay Arimo Badan
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4824
- Joined: Wed Jan 09, 2013 4:58 pm
- Location: east south west north
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post