Puntland o laga diiday , isticmalka shiilings somali

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

SecretAgent
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4824
Joined: Wed Jan 09, 2013 4:58 pm
Location: east south west north

Puntland o laga diiday , isticmalka shiilings somali

Post by SecretAgent »

Tan iyo markii Faarax Cali Shire oo ah Wasiirka Maaliyadda Puntland
uu wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku sheegay in iyada oo la tixraacayo go’aanadii goloyaasha Puntland ee ahaa in lacagta Dollarka loo bedalay Miisaaniyadda Puntland si tijaabo ah bilaha May – August 2013 taas oo gaareysa $3.5 Milyan oo Dollar

Wareegtadaasi ayaa sidoo kale uu ku sheegay wasiirka in dakhliga dowladda ee canshuuraadka lagu qabanaayo lacagta Maraykanka ee Dollarka, haddii ay dhacdo in qofku waayo Dollar waxaa lagu qaban lacag Soomaali laakiin sarifku noqonaayo $1= 24,000 Sh.So taas oo ka badan inta suuqa lagu sarifo,ayaa waxaa dad weynaha ku sugan magaalada guud ahaan diiday isticmaalka lacagta shanta boqol ee shilin Soomaaliga ah.

Goobaha lagu iibiyo cuntada karsan,carwooyinka dharka iyo shaabinada, suuqa weyn ee magaalada, baabuurta bii’elka iyo goobaha kale ayaa laga isticmaalin shanta boqol shilin Soomaaliga maanta oo taarikhdu ku beegan tahay 4-5-2013Qaar kamid ah ganacsatada suuqa magaalada ayaa waxaa saakay la dhexqaaday mikrofoonka warbaahinta si ay wax uga ogaato arintan ku saabsan joojinta shanta boqol, waxa ayna warbaahinta u sheegeen in aysan isticmaaleen shanta boqol shilin Soomaaliga.


Waxayna ku sababeeyeen in dowladda ay ka diiday lacagta shilin Soomaaliga oo ay ku bixin jireen canshuurta, meel ay geeyaana aysan garaneyn.


Dowaladda Puntland ayaa wali ka hadlin arintan ,gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda iyo tan arimaha gudaha.


Deegaanka Puntland ee Soomaaliya ayaa ah goobta kaliya ee laga isticmaali jiray lacagta Shanta Boqol ee Shiling Soomaaliga. taasi oo uu micnaheegu yahay in qof waliba khasaaraayo lacagata shanta boqol ah ee gacantiisa ku jirta inta ay doonto ahaate, lagana yaabo in Puntland ku reebto saamayn dhaqaale.


Haddii ay dhaqan gasho in la joojiyo shanta boqol ee shilin Soomaliga ah isticmaalkeeda ayaa waxa ay noqoneysaa oraahdii horey Koonfurta Soomaaliya laga oron jiray “..Kun Baa u Weyn kun Baana u yar
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”