Page 1 of 1

Rightwing, waxay dulinimadan

Posted: Sun May 05, 2013 5:24 pm
by CaynabaX
Maad inaga fadhiisataan :mindblown:
Xaalada Caynaba oo cakiran, Saan saan Colaadeed oo u dhaxaysa laba Beelood iyo Xukuumadda oo soo qab weyday dhagar qabayaashii Dillay Taliyaha Sirdoonka

Caynaba(Waaheen) xaaladda magaaladda Caynaba ayaa labadii maalmood ee u danbaysay cakiran kadib markii ay Xukuumaddu soo qaban kari weyday Kooxdii weerartay xabsiga magaaladaasi isla markaana ku dishay taliyihii Sirdoonka Gobolka saraar Marxuum Axmed Caydiid.

Waxa dhamaatay muddo afar iyo toban cisho ah oo ay Xukuumadda Soamliland qabsatay in ay dadkii dilay Taliyah ku soo qabanayso, taasoo ay u balanqaaday beesha uu ka soo jeeday Taliyihii la Dillay, balse ilaa hada Xukuumaddu soo qabasho iska daaye kumay noqon deegaankii.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur iyo wasiirka dhalinyarada, Ciyaaraha iyo dalxiiska Siciid Cali Raygal ayaa tagay magaaladda Caynaba Dil ka kadib waxaanay kulan la yeesheen labada Beelood ee ay ka soo kala jeedaan Taliyihii la Dilay iyo Beesha Kooxda Wax dishay oo wakhtigaas xaaladoodu tag taagnayd balse balantii ay u soo qaadeen oo ahayd in ay gacanta ku soo dhigayaan waxba kamay fulin.

Xaalada oo sidaas ah ayaa waxa doraad lagu arkay deegaanka Habari heshay oo ah deegaanka Caynaba sagaal nin oo ka mid ahayd kooxdii Dilka geysatay oo hubaysan, waxaanay taasi sababtay beesha uu ka soo jeedo Taliyihii dhinbtay inay Hubka qaadato, isla markaana raadsato Nimankaasi.

Talaabadan ayaa waxay sababtay labadii Habeen ee u danbeeyay in ay deegaankaasi ka aloosanto saan-saan Colaadeed oo kaliftay in Caynaba laga caraabo maqribka iyada oo qof kastaa cabsi ka qaaday in seeftu saaran tahay haddiiba arrintii xal laga gaadhi waayay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo aanu isku daynay in aanu arrintan wax ka weydiino ayaa Telefoonkiisa naga qaban waayay, hase yeeshee dad masuuliyiin ah oo ka soo jeeda deegaanka Caynaba oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa xaalada Caynaba ka dayriyay waxaany sheegeen in Xukuumaddu ku guul-daraysatay wax ka qabashada labadaas beelood oo xaaladoodu u egtahay fara ka bax.




Re: Rightwing, waxay dulinimadan

Posted: Sun May 05, 2013 7:20 pm
by Rightwing
Where did waheen found this information?
However, if this shid exist RIP the oil drilling

Re: Rightwing, waxay dulinimadan

Posted: Sun May 05, 2013 7:54 pm
by Xiis1928
This is a bullsh!t story. There is no war between Cali Barre and Reer Yoonis in Caynaba at this time.

CaynabaX, it's time for Solomadow to tell Reer Yoonis that they are in charge of Caynaba. If Reer Yoonis cause any more trouble, the Solomadow can send them back to the mountains they came from.

Re: Rightwing, waxay dulinimadan

Posted: Sun May 05, 2013 11:50 pm
by Rightwing
Ha la buufiyo.

Re: Rightwing, waxay dulinimadan

Posted: Mon May 06, 2013 11:39 am
by CaynabaX
Rightwing,

Waar miyaadan maqal sheekadu. The Reer Yoonis minister and Duur came to Caynaba and told the Cali Barre "MAGTA QAATA NIMANYOW", bloody hell thats supposed to be a minister. Anyways the Cali Barre refused and told him that they want the guy that killed the taliye, but the Reer Yoonis refused to hand over the man. Cali Barre gave Reer Barre a ultimatum or else they'd get the man themselves hiding in Habari Heshay the Barre Abdille village. Although thats what Cali Barre claim.

Xiis1982,

Solomadow, Cumar, Abdille Faarax, Cali Faarax and Reer Iidle are watching from the sidelines adigaa ninmankan iga xigaa ee dhex gal. :mindblown:

Re: Rightwing, waxay dulinimadan

Posted: Sat May 11, 2013 4:08 am
by kaliil