
waxaaa Tacsi Tiiraanya leh loo dirayaa Dr. Muxiyadiin Axmed Guure, Ing. Cabdi Axmed Guure, Dr.ssa Muxubo Axmed Guure, Dr. Prof. Maxamed Yusuf Xasan iyo Dhamaan Ehaladii uu ka Geeriyooday Marxuum Axmed Guure Maamuun.
Waxaan Alle uga baryeeynaa inuu Janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo Ehelladii ay ka tagayne uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.
Warbixintaan Kooban oo u soo diyaariyey Dr. Khaliif Ducaale:
Tariikh Nololeedkii allaha u naxariista Halgamaa Dr. Axmed Guure Maamuun:
Allaha u Naxariista Halgamaa Dr. Ahmed Guure Maamuun wuxuu ku dhashay Magaalada Hobyo Sannadkii 1922. Wuxuu Dugisiga Hoose iyo dhexe ku qaatay Magaalada Muqdisho.
Halgamaa Ahmed Guure, wuxuu ka mid ahaa Jiilkii ugu horeeyey ee jago sare ka qabtray Dalka Waqtigii Ingiriisku uu Xukumayey Soomaaliya asagoo Maamule Sare ka noqday, Jig-jiga iyo Reserve area Sannadihii 1945-48.
Dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka wuxuu ka mid noqday Halgamaayaashii SYL. Waxaana lagu xasuustaa Geesinimadii uu ugu u Doodijiray Xuquuqda Ummadda Soomaaliyeeiyo sidii ay ku gaari lahaayeen Gobonimo Taam Ah.
1949-52. Halgamaa Dr. Ahmed Guure Maamuun wxuu ka mid noqday ardaydii ugu horreeysay ee ka qalin-jabisay Scuola Politico – Mogadishu Political Science Institute.
1954-56 Ahmed Guure wuxuu Laurea di Political Science Jaamacada la Sapiensa ee Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga.
1956-1960 Ahmed Guure waxaa loo magacaabay District Commissioner ee Magaalada Marka, halkaas oo uu ka taagay Calanka Soomaaliyeed Maalintii Xornimada ee 1960. 1961-62 Halgamaa Axmed Guure waxuu Noqday Governor-ka magaalada Boosaaso.
1962-64 Dr. Ahmed Guure waxaa loo Magacaabay Safiirka Soomaaliyeed ee Jarmalka.
1964-69. Doorashadii ka dhacday Soomaliya Dr. Axmed Guure wuxuu Deputati ka soo galay Magaalada Hobyo.
1969-1973. Dr. Ahmed Guure wuxuu noqday General Consular/Ambassadorial level Djibouti – Intii aysan Xoriyada Djibouti qaadan oo ay ku jirtay Gacanta Isticmaarkii Fransiiska.
1973-75 Dr. Axmede Guure wuxuu noqday Agaasime Guud hay'addii National Commercial Agency, ka dibna Ragiimkii Siyaad Barre ka dhigay Pension.
Wixii intaas ka dambeey Dr. Axmed Guure wuxuu ka mid ahaa Cuuqaasha Nabada mar walba ka shaqeeya. Waligiis kama Shaqeyn Colaad Sokeeye. Waxuu ku Noolaa oo u ka Shaqeysanahayey Beertiisa u ku lahaa Buulo Shiikh Agteeda Azienda-aas uu iibsay 1954. Illahay ha u Naxariisto. Taarikhduna wey xusi Doontaa Halgame Axmed Guure Mamuun.