Puntland, galmudug, mogadisho tribal chiefs all are denying it and calling to stop it!!!
I have read some days ago that some group have taken advantage of the removal of the chief of police and was holding meeting in the hotels with mps from his clan to remove the pm but what has the pm got to do with this?!
On the other hand, the speaker says he cannot stop it! What about the president? Does this has to do anything with the expected cabinet reshuffle?
Odayaasha Muqdisho oo xildhibaanada Baarlamaanka ka dalbaday inaysan wax mooshin ah ka keenin Xukuumadda uu hogaamiye Saacid
Published on May 14, 2013 by somali ali · No Comments
Iyadoo maalmihii tagay si weyn looga hadalhayey magaalada Muqdisho mooshin la sheegay inuu ka dhanyahay Ra’isul wasaare Saacid iyo Xukuumaddiisa kaass oo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa arrinkaasi si weyn uga soo horjeestay odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayid ah ee magaalada Muqdisho, kuwaas aoo ku baaqay inaan dalka loo horseedin khalalaase siyaasadeed iyo burbur ku yimaada Xukumaadda Soomaaliya, kaas oo horseedi kara in dalku uu galo xaalad jahwareer ah sida ay yiraahdeen, xubnahani waxay kaloo sheegeen inaan la hor istaagin howlo ay muhiim ku sheegeen oo ay xukuumadda Soomaaliya hadda waddo si dalku uga gudbo xaaladdii burburka aheyd ee uu soo maray.
“Annagu waxaan ku talineynaa inaan waqtigan xasaasiga ah aan xukuumadda mooshin laga keenin, khilaaf iyo fidno horlehna aan dalka laga abuurin” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Muqdisho oo ka digay in wax mooshin ah laga keeno Xukuumadda Saacid.
Sida warku sheegayo dhowrkii maalmood ee ina dhaaftay waxaa soo xoogeysanayey mooshin la sheegay inay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay shirar gaargaar ah iyo xodxodasho badan ay wadaan Baarlamaanka gudihiisa, kaas oo lagu xoojinayo mooshinka.
Sida ay sheegayaan warar aan si rasmi ah loo xaqiijin kuwaas oo ku saabsan mooshinkan ayaa waxay sheegayaan Xildhibaano badan ay saxiixeen mooshinkaasi, taas oo awood u siineysa inay Guddoonka Baarlamaanka horgeeyaan mooshin ka dhan ah Xukuumadda cusub, waxaana qaar ka mid ah hotelada Muqdisho ka socda shirar looga arrinsanayo mooshinkaasi, iyadoo qaar sheegayaan inuu barbar socdo mooshin kale oo ka dhan ah xubnaha sarsare ee dowladda Soomaaliya.
Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in habeen iyo maalin hotelada ay ka socdaan shirar ku saabsan arrintan, isla markaasna ay barbar socoto balan qaadyo Xildhibaanada loo sameynayo, laguna soo jiidanayo, ololahan ka dhanka ah Xukuumadda ayaa waxaa horboodaya Xildhibaano ku caanbaxay abaabulka barnaamijyada mooshinada, waxaana arrintan ay noqotay durba hadal heynta ugu badan ee ka taagan magaalada Muqdisho, inkastoo illaa iyo hadda uusan jirin wax mooshin rasmi ah oo loo gudbiyey Guddoonka sare ee Baarlamaanka.
Hadalka ka soo yeeray odayaasha Muqdisho ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo doraad ay si kala goonigooni ah u soo saareen maamulada Puntland iyo Galmudug war ay uga digayaan in wax mooshin ah laga keeno Ra’isul wasaaraha iyo Xukuumadiisa, isla markaasna aan wax khilaaf ah laga dhex abuurin dowladda dhexdeeda, wuxuuna mooshinkan la wado ee qorshihiisa yahay in lagu rido Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’isul wasaaraha uu ku soo beegmeysa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay soo baxeen warar sheegayey inay socdaan qorshayaal la doonayey in isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha wasiirada, isla markaana la kordhiyo tirada wasiirada oo la gaarsiinayo 18-wasiir sidii ay horay u ahaayeen jireen.
Warar"
___________________________________________________________
"Waxaa Caawa Kulamo xasaasi ah ee kasoconayaan Xafiiska R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) kaa oo looga hortagayo Mooshin ka dhan ah R/Waaaraha iyo Xukuumadiisa oo loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
Shirar iyo abaabulo looga hortagayo Mooshinka la doonayo in lagu Rido Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa wada R/Wasaaraha iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada kuwaa oo kulamo kala gaar ah la yeelanaya xIldhibaanada qaar si ay uga hortagaan Qorshaha la doonayo in lagu Rido Xukuumada.
Xildhibaano kala duwan ayaa caawa ilaa galabta kusii qul qulayay Xafiiska R/Wasaaraha si ee halkaasi kulamo ula qaataan R/Wasaaraha iyo Xertiisa Wasiirada si ee gacan uga siiyaan fashilinta Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Soomaaliya .
Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa isku badalay dalaalo kuwaa oo ka shaqeenaya in Xukuumada kasoo qaadaan lacago badan ay ku abaabulayaan Xildhibaano kale oo iyana kasoo horjeeda Mooshinka laga gudbiyay Xukuumada ee Maanta Gudbiyeen Mudanayaal kabadan 50-kuwaa oo u badan Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo caro ka qaaday Xil kaqaadistii Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Maye.
Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa iyana Wada kulamo kala gooni ah ee la qaadanayaan Xildhibaanada kasoo jeeda beelaha ee ka dhasheen si ay uga dhaa dhiciyaan ka hortaga Mooshinka lagu ridayo Xukuumada Soomaaliya oo hada abaabulkiisa uu Muqdisho kasocdo.
Caawa Xafiiska R/Wasaaraha waxaa ka jira Mashquul aad u badan sida ilo kusugan noo sheegeen , waxaana halkaasi kasocda dadaalo badan oo looga hortagayo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Soomaaliya , Xafiiska R/wasaaraha ayaana caawa u Muuqda mid aan laga jiifaneen uu ka jiro mashquul badan.
Siyaasiyiin hore iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa wada olole meesha looga saarayo Xukuumada uu Hogaamiyo R/Wasaare Saacid , waxaana ugu cad cad raga barnaamijkan lagu ridayo Xukuumada gadaal ka riixaya Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hada ah mudane katirsan Baarlamaanka Soomaaliya garab buuxana ka helaya Xildhibaanada kasoo Jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.
who is behind the motion proposal againist the pm
Moderator: Moderators
Re: who is behind the motion proposal againist the pm

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 12 Replies
- 1281 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 4 Replies
- 773 Views
-
Last post by sahal80
-
- 10 Replies
- 940 Views
-
Last post by sahal80
-
- 16 Replies
- 1278 Views
-
Last post by xaliye123
-
- 25 Replies
- 1694 Views
-
Last post by sahal80
-
- 71 Replies
- 3814 Views
-
Last post by Murax
-
- 8 Replies
- 1063 Views
-
Last post by TeAmo
-
- 3 Replies
- 594 Views
-
Last post by sahal80
-
- 7 Replies
- 756 Views
-
Last post by sahal80
-
- 24 Replies
- 2251 Views
-
Last post by MarsinQorahay