Arrintan ayaa waxay durba kala qeybsanaan ku keentay xaalada magaalada, iyadoo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo, goor sii horeysay ayaa waxaa la maqlayay rasaas cirka loo riday, waxaana Isgaarsiinta qadadka Mobilka ay yihiin kuwo go’an.
Col Barre Hiiraale oo dhowaan gaaray Kismaayo ayaa maalmihii u dambeeyay si aad ah uga soo horjeeday shirweynaha maamul u sameynta oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid aan waafaqsaneyn habkii la filayay in beelaha loogu kala cadaalad falo.
Jubaland oo yeelatay labo Madaxweyne ayaa xaalada Kismaayo ay gelineysa weji cusub, waxaana laga cabsi qabaa inay magaalada gasho dagaalo lagu hoobto oo ku dhex mara dhinacyada iska haya maamulka magaalada.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.
I congratulate both presidents in Jubbooyinka
