BREAKING NEWS COL BARRE HIIRAALE NEW PRES OF JUBBALANDH

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
TheAspiringMufti
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 394
Joined: Thu May 09, 2013 4:42 pm
Location: The genius Hyuuga Neji will never be forgotten!

BREAKING NEWS COL BARRE HIIRAALE NEW PRES OF JUBBALANDH

Post by TheAspiringMufti »

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta kulan ay isugu yimaadeen dhamaan odoyaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee daga Jubbooyinka iyo Gedo ay Madaxweynaha Jubbaland u doorteen Col. Bare Aden Shire “Bare Hiiraale”.

Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen odoyaasha dhaqanka beelaha daga Jubbooyinka iyo Gedo saacadu markay ahayd waqtiga Kismaayo 17;00 ayaa waxa ay ku doorteen inuu Madaxweyne u noqdo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Mudane Barre Aden Shire “Bare Hiiraale”.

Isla goobtaas ayaa waxaa lagu dhaariyay Madaxweynaha Jubbaland Col.Bare Aden Shire iyadoo madashaas ay goob joog ka ahaayeen odoyaasha dhaqanka ee Jubbooyinka iyo Gedo.

Dhinaca kale waxaa sidoo maanta beesha kablaxlax ay u doorteen madaxweynaha Jubbaland horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Isku soo wada duuboo waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu doortay laba madaxweeyne Col. Bare Aden Shire oo ay doorteen odoyaasha dhaqanka beelaha Jubbooyinka iyo Gedo iyo Axmed Madoobe oo ay doorteen beesha Kablalax, arrintaan ayaana wax ay keeni kartaa inay dhaliso gacan ka hadal ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo.

Filo Dhawaan Sawirada Iyo Video-ga .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

:dj: :dj: :stylin: :stylin:

GUUUUUUUUUUUUUUL
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: BREAKING NEWS COL BARRE HIIRAALE NEW PRES OF JUBBALANDH

Post by original dervish »

:snoop: :lol: :lol:
User avatar
TheAspiringMufti
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 394
Joined: Thu May 09, 2013 4:42 pm
Location: The genius Hyuuga Neji will never be forgotten!

Re: BREAKING NEWS COL BARRE HIIRAALE NEW PRES OF JUBBALANDH

Post by TheAspiringMufti »



Barre Hiiraale: Waxaa la ii doortay Madaxweynaha Jubbaland


Kismaayo (Sh.M.Network) Barre Aadan Shire ( Barre Hiiraale ) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maanta Loo Doortay Madaxweynaha Jubbaland.

Barre Hiraale ayaa Tilmaamay In Shir ay ka qeyb Galeen 600 oo Ergo Maanta Loogu doortay Madaxweynaha Saxda ah ee Maamulka Jubbaland.

Siyaasiga Barre Hiiraale ayaa sheegay in aanu diyaar u ahayn Dagaal ee Wada hadal uu ugu Baaqayo Cid kasta oo ay ka go’do talada Jubbooyinka Xittaa Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe) oo ah Hogaamiyaha Raaskaambooni islamarkaana Shirka Ka soconaya Jaamacadda kismaayo Loogu doortay isna Madaxweynaha Jubbaland.

Muddooyinkii dambe ayaa Magaalada Kismaayo waxaa Ku sii qul qulayay Waxgarad iyo Siyaasiyiin Ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka kuwaasi oo taageersan Siyaasiga Rug Cadaaga ah ee Barre Aadan Shire ( Barre Hiiraale) islamarkaana Maal mihii dambe Magaalada Kismaayo kulahaa kulan ay uga wada tashanayaan aayaha Gobollada Jubbooyinka iyo Maamul Shacabka Rabitaankiisu uu yahay oo loo sameeyo Gobollada Jubbooyinka iyagoona ugu dambeyn Maanta Barre Hiiraale u doortay Madaxweynaha Jubbaland.

Sikastaba Barre Hiiraale ayaa Wasiirkii Gaashaandhiga ka soo Noqday Xukuumadda Cali Max’ed Geedi ee KMG ahayd Isagoo ahaa Guddoomiyihii Isbeheysiga Dooxada Jubbooyinka oo in badan ka soo shaqeeyay Gobollada Jubbooyinka.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”