Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Gobolada Jubbooyinka Col. Cabaas Ibraahim Gurey, ayaa wuxuu casir liqii galabta uu amray, in Ciidamada Dowladdu ay soo buuxiyaan Magaalada Kismaayo.
Taliyaha ayaa wuxuu Ciidamadii Dowladdii ee toddobaadkii hore la wareegay Deegaanka Goobweyn iyo Deegaano kale ee duleedka Magaalada Kismaayo dhaca, uu ku amray inay soo baneeyaan.
Col. Cabaas Ibraahim Gurey ayaan ku qanacsaneyn Doorashada maanta lagu soo doortay Sheekh Axmed Maxamed Islaam, oo ah Hogaamiyaha Ururka Raaskambooni.
Ciidamada Dowladda ayaa waxay caawa ku sugan yihiin qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo, iyadoo ay jiraan boqolaal askari oo ku sugan Warshadii Hilibka ee Magaalada Kismaayo.
Warar madax banaan ayaa waxay xaqiijinayaan in Col. Cabaas uu xalay booqday hoyga uu Magaalada Kismaayo uu ka deggan yahay Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale”.
Labadaan xubnood ayaa waxaa la rumeysan yahay inay lee yihiin xiriir wanaagsan, sidoo kalana ay ka shidaal qaataan Dowladda Soomaaliya, oo iyadu horey u qaadacday shirkii Magaalada Kismaayo.
Dhanka kale Ciidamada Dowladda Kenya iyo Ciidamada Ururka Raaskambooni, ayaa waxay caawa dhaq dhaqaaqyo ka wadaan Magaalada Kismaayo, sidoo kalana waxay ku sugan yihiin Isgoysyada iyo Wadooyinka waaweyn ee Magaalada.
Arintaan ayaan si rasmi ah looga warqabin waxa ay ku soo kordhin karto xaalada Magaalada Kismaayo, waxayse dadku dareen ka muujinayaan dagaalo ka qarxa Kismaayo.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin Doorashada Magaalada Kismaayo ka dhacday, waxaana horey Dowladdu loogu eedeeyay inay ku fashilmatay arrimaha Jubbooyinka.
BREAKIN NEWS CIDANKA JUBALAND BACK TO KISMAYO. AMARKA CABAS
Moderator: Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super

- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 547 Views
-
Last post by Adali
-
- 5 Replies
- 652 Views
-
Last post by halfoshalfom-614
-
- 10 Replies
- 1006 Views
-
Last post by BushMan
-
- 16 Replies
- 1474 Views
-
Last post by TAATIKO
-
- 15 Replies
- 1410 Views
-
Last post by Cawar
-
- 8 Replies
- 901 Views
-
Last post by ~ Scouser ~
-
- 5 Replies
- 1072 Views
-
Last post by SecretAgent
-
- 13 Replies
- 1784 Views
-
Last post by BlackRain
-
- 11 Replies
- 1342 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 9 Replies
- 1107 Views
-
Last post by Vivacious