Gudoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee Bossaso Shiikh Aadan Axmed ayaa ku dhawaaqay xukunka ragan ka dib markii uu dhageystay eedaha loo soo jeediyey ,waxana ay maxkamadayntoodu ka dhacday gudaha Xabsiga wayn ee Bossaso.
Doonyaha sida sharci darada uga kaluumeysanayey xeebaha Puntland oo gaaraya ilaa 5 dooni ayaa lagu xukumay mid walba $ 100,000 kun oo ganaax ah, waxaana loo qabtay in ay ku bixiyaan 45 cisho gudahooda ,hadii kalese Dowladda Puntland ayaa la wareegi doonta.
Shanta Naakhuude ee waday doonyahan ayaa lagu xakumay iyana mid $5 kun hadii ay bixin waayaan badalkooda xabsi ayay galayaan ,halka badmaaxayaasha kale oo gaarayay 70 lagu riday mid $2 Kun sidoo kale xabsi loogu badalayo hadii ay bixin waayaan ganaaxan.
Waxaa sidoo kale maxkamadu xukuno ku riday rag Somali ah oo ilaalo u ahaa baxmaaxiinta Iraan u dhalatay oo lagu xakumay mid Kun Doolar oo ganaax oo loo qabtay 45 cisho inay ku bixiyaan hadii kalese xabsi dhankooda ay muddo u dhigmata u qaadan doonaan.
Puntland ayaa waxay la wareegtay dhamaan kaluunkii saarnaa shanta doonyood oo ay qabteen ciidanka ilaalada badda Puntland PMPF iyo hubkii saarnaa. waxana horey kaluumaysatadu uga cabatay doonyo jariif ku haya bada oo laga leeyahay Iran iyo Yemen.
i would take their ships and give imprisonment with hard labour



