Xasan Ciise oo ka mid ah siyaasiyiinta Hargeysa ayaa ka hadlay Radio Hargeysa isagoo ka warbxiyay marxaladihii Somaliland soo martay,Xasan Oo hadalkiisa ku bilaabay.
Maanta waxaa ii guul ah in aan anigoo nool soo gaadho guusha iyo xoriyada aynu haysano,22sano kadib,Dalkani qosol iyo farxad xoriyadiisa laguma keenin,dagaal iyo dhiig baan ku keenay. Waad ogtihiin burburkii iyo dhimashadii loo soo maray,ujeedadii Snm ayay ahayd in laga xoroobo dhiigmiiratadii Somaliya ee taliskii Siyaad Bare. Waad ogtihiin walaalayaal jihaadkeenii inuu guulaystay isla markaana aynu ka adkaanay cadowgii milaterigiisiina jabinay SNM na xoraysay dalka.
Waxaa la soo wada maray marxalado kala duwan waad ogaydeen shirkii Burco ee gooni isku taaga Somaliland lagu goostay,waxaa muhiim ah inaan bildhaamiyo in qabiiladii darifyada ee cadowga ahaa lagu jabiyay dagaalka isla markaana SNM soo fadhiisisay shirkii Burco markaana sida aduunka ka dhacda marka jabhadi guulaysato waa la,isku wada dhiibaa markaasi jabhadaasi ama way gumaadaa ama way saamaxdaa oo hoosteeda ayay keentaa. Walaalayaal beelaha cadowga ka mid ahaa ee la saftay Siyaad Barre markii SNM shirtay waxaan go,aaminay in la cafiyo hubkana laga dhigo maamulka aanu samaynana iyagoo SNM hoos tagaya wax laga siiyo. Sidaasi baan ku balaadhinay Golihii guurtida SNM oo beelihii kalena lagaga soo daray barlamankiina aan qabiiladii kale wax lagaga soo daray. Maanta waxa kaliya ee inaga maqani waa aqoonsi
Radio Hargeysa
Xasan Ciise message to none SNM n none Issaqs!!
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4824
- Joined: Wed Jan 09, 2013 4:58 pm
- Location: east south west north
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 848 Views
-
Last post by Adali
-
- 0 Replies
- 548 Views
-
Last post by Notorious13
-
- 0 Replies
- 1097 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 0 Replies
- 812 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 17 Replies
- 1436 Views
-
Last post by kadafi007
-
- 3 Replies
- 554 Views
-
Last post by yunis09
-
- 2 Replies
- 431 Views
-
Last post by Gubbet