Mudane Eng. C/Raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici)
Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuurriyadda Diimuqraaddiga Ah, Ee Somaliland
Khudbadii Taarrikihga Ahayd, Ee Xuska Sannad Guurada 22aad Ee Kasoo Wareegtay Qaranimada Gooni Isu Taaga Somaliland
London UK
_____________________________________________________________________________________________
(1). Salaan Iyo Duco Iyo Mahadnaq
Bismilaahi
Allaahu Akbar,
Allaahu Akbar, Allaahu Akbar
ASALAAMU CALAYKUM WA-RAXMATULAAHI WA-BARAKAATUHU
Salaan iyo nabad galyo iyo naxariisi korkiina ha ahaato, Ilaahayna waxan idiinka baryayaa inuu idinku gallado cimri dheer iyo caafimaad, oo aynu sannadkan sannadkiisa iyo sannad walba ku ciidno guul, farxad iyo rayn-rayn. Sama ku waara, walaalahayga Reer Somaliland, meel kasta oo ad joogtiinba.
Marwooyin iyo mudanayaal, masuuliyiin iyo muwaadiniin, carruur iyo cirroole, salaantaas iyo ducadaas kadib, waxan idiinku mahad celinaynaa sida sharafta badan, qiimaha badan, iyo bilicda badan ee ad noo qaabisheen ugana soo qayb gasheen xafladdan qiimaha badan ee 18-ka May.
(2). Hordhac: Safaradii UK
Walaalayaal, waa markii labaad ee an idinku soo booqdo dalkan boqortooyada qadiimiga ah ee Britain, iyada oo ay booqashadani tahay mid ka baaxad weyn, kana miisaan culus booqashadii hore.
Doorkii hore ee an halkan idiinku imidday, waxan ahaa Musharrax madaxweyne ku xigeen oo ka sharraxnaa Xisbi mucaarad ah, maantana ah muxaafid. Si kale haddii an u dhigo, shalay waxan ahaa musharrax mucaarad qaran maantana waxan ahay madaxweyne ku xigeen qaran. Taasina waa guulaha iyo gobnimada diimuqraaddiyadeed ee geyigeenan dahabka ahi uu ku caano maalo. Waxan sidaa daraadeed idin leeyahay, Somaliland ha Guulaysato, ha guulaysato, ha gulaysato..!
Haddii an waxyar idiinka sii faah-faahiyo, hadalkaas hore ee ku saabsanaa labadaas safar ee UK.
Doorkii hore (25/01/09), kaliday ayaa kasoo degay Heathrow Airport, waxa laygu qaabilay heer xisbi, waxan u socday ujeeddo xisbi, waxan ka qayb galay xaflad xisbi, waxan dalkii kula noqday talo iyo tabaabulshe xisbi. Muxaafid iyo mucaaradna dadku iima wada sinnayn, oo waxa i habeen xigay muwaadiniinta Somaliland ee mucaaradka ah.
Doorkan maanta ah ee labaadna, kaliday kama soo deign Airportka, waxan idiin immidday aniga oo ah madaxweyne ku xigeen qaran, oo hogaaminaya wafti qaran. Waxa laygu qaabilay heer qaran, waxan u socdaa ujeedo qaran, waxan u imidday xaflad qaran. Muxaafid iyo mucaaradna dhamaan mujtamaca Somaliland meel kasta oo ay joogaanba waxan u ahay madaxweyne ku xigeenkoodii , oo dhammaantood waa dadkaygii an jeclaa, waanay ii wada siman yihiin. Waxan rajaynayaa inaan dalkii kula noqdo midnimo qaran..Insha Allah..
(3). Guulaha Somaliland
Hadaba haddii aynu wax iska weyddiino geedi socodka guulaha ay gaadhay Somaliland. Waxad jawaabaha ka dhex heli karaysiin farqiga u dhexeeya labadaydaas booqasho. Waxan is leeyahay inay halkaas idiinka muuqanayso in Somaliland tahay dal la wada leeyahay, in Somaliland tahay dal loo wada siman yahay, in Somaliland tahay dal nin waliba calafkiisa ka qaadi karo, kuna qab weynaan karo.
Ninkii shalay mucaarad ahaa, maanta wuxu noqon karaa muxaafid, ka maanta muxaafidka ahina, berri wuxu noqon karaa mucaarad. Laguma kala dudo Somaliland, layskumana dilo Somaliland, lagumana kala dareero Somaliland. Waxa mucaarad iyo muxaafidba loo yahay waa horumarka Somaliland, ee ma aha hagardaamada iyo hadimada Somaliland. Somaliland waxay cagta saartay dhabadii xaqa ahayd, horaybay u socotaa, soo noqona mayso.
(4). Waxqabadka Xukumada Iyo Dhaliilaha Jira
Walaalayaal, Maxaa wali qabsoomay intii xukmadani jirtay, haddii Su’aali ka taagan tahay?, waxay taasi jawaabteedu tahay, xukumaddeena wali saddex sanadood uma wada buuxsamin, hadana wax qabadkeedu wuxu ka muuqdaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Halhays hore ayaa ahaan jiray, Horumarka la gaadhay, Hargeysaad ka garataa..! . Hargeysa marka an leehay, waxan uga jeedaa Somaliland oo dhan.
(a) . Dhaliyarada Somaliland.
Maanta qof kasta oo reer Somaliland ah oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku nool waxa u furmay indhaha, oo wuxu ogyahay inuu dalkiisa wax u qaban karo, dadkiisana wax la qaybsan karo. Dardar iyo dhiirri galin badan ayaanu siinnaa dhalinyarada Somaliland, oo waxad ogtihiin inay ka dhex muuqdaan saaxadda siyaasadeed. Tusaale, golihii degaanada ee duqaytidu hogaamin jirtay, waxa hogaamiya dhalinyaro.
Waxan xarunta madaxtooyada ku marti qaadnaa ardayda wax ka barata Iskuulada dalka, oo an tusnaa inay yihiin hogaankii mustaqbalka. Waxan furnay ururo siyaasaded, doorashooyinkii degaanadana waynu hir galinay, kuwa kalana inaan qabano way noo qorshaysantahay. Dee marka dadkii indhaha loo furo waxa imanaya damac. Damacaasina wuxu keenayaa dhaliil iyo canaan badan, taasina anagu uma aragno cadho iyo xumaan, waxanse u aragnaa guul iyo libin noo soo hoyatay, oo inaan xawaaraha sii kordhino ayuunbaa lanaga sugayaa.
Dabcan, dhaliilo way jiraan, oo meel kasta oo adduunka ah oo maamul iyo dawladi jirtaba, waxyaabo badan oo lagu dhaliili karo ama lagu canaanan karo ayaa jira. Dalkan ad joogtiin ee qadiimiga ahba, guuxu aadbuu u badan yahay, iskaba dhaaf dalkeena oo wali haysan ictiraaf adduunyo iyo kobcin dhaqaale oo buuran toona. Balse, in dhalilahaas la dhagasyto, oo aad la dhuuxo, isla mar ahaantaana si dhumuc weyn wax looga qabto, waxay ka mid tahay ujeedooyinka ay adduunyada diimuqraadiga ahi u samaysateen axsaab qaran oo mucaarad ah iyo ururo bulsho oo ka madax bannaan dawladda.
Haddii walaalaheen qaarkood ay na leeyihiin, xukumadani iyadoo saddex sanadood jirta, hadana dhaliisheedu aad bay u badan tahay, oo xukumadihii hore way ka dhaliil badan tahay. Waxan taasi kaga jawaabi lahaa, dhaliisha badani waxay ka dhlataa, wax qabadka badan, oo faraska waxa usha loogu jiidaa ha kordhiyo xawaaraha.
(b) . Doorashadii golaha Degaanada
Haddii an woxoogaa is dul taago dhaliisha ugu badan ee nagu soo noq-noqonaysa, waxay tahay xurguftii ka dhalatay doorashooyinkii golaha degaanada ee dhawan dalka ka qabsoomay. Xurguftaas oo degaanada intooda badan lagu heshiiyay, halkaasi oo xildhibaanadii la doortay ay dhammaantood si wada jir waajibaadkoodii qaran ee loo doortay u wadaan. Nasiib darro degaanada qaarkood, gaar ahaan degmadii aniguba an ku dhashay kana so jeeday, ee xundhurtaydu taallay ee Saylac waxad moodaa in xurguftaasi an wali lasoo xakamayn, inkasta oo an ku rajo weynahay inay guul iyo is af-garad ku dhammaan doonto. Dadka Reer saylac ee walaalaha ahna waxan ugu baaqi lahaa inay midnimadooda iyo wadajirkooda adkeeyaan si ay usoo celiyaan xaddaaradii qadiimiga ahayd ee Saylac.
Aalaaba dhaliilaha iyo canaanta ummada u dhaxeeyi ma aha kuwo kaliya ku kooban xukummadda iyo shacbiga, ama mucaaradka iyo muxaafidka, iyo shacbiga dhexdooda. Anaguba xukumad ahaan dhexdayada waanu is dhaliilnaa, laakiin isma dhibsano, ee dhinac isu mid ah ayaan uga soo wada jeednaa inaan gudano waajibaadkayaga qaran ee dhabarka noo saaran. Idinkuna taasi ka shidaal qaata.
Xaqiiqatan, waxan aaminsanahay inaynu ka waxqabad badanahay xukumadihii hore, ee dalka soo maray, Ilaahay ayaana mahadaas iska leh iyo Ummmadda Somaliland oo mudan abaal gudkeeda. Haddii an kaftamo, waxan is leeyahay, waxa lanagu haystaaba waa waxqabadka badan, ee ma aha waxqabasho la’aan.
Ka xukumad ahaan, inaan dadkayaga ku nidhaahno wax walba waan idiin qabanaynaaye , anaga uun naga dhur suga, oo ha dhaq-dhaqaaqina. Waxa nagala qurux badan inaan ku nidhaahno, wixii ad jeceshihiin inaad qabsatiin idinku noola yimaada, oo qabsada, anaguna wixii xaggayaga idinkaga xidhan, intii itaalkayaga ah waan idinla qabanaynaa
(c). Baaq Qurba Joogta Iyo Qooys Joogta Somaliland
Qurba joog iyo qooys joogba, waxan mar walba ugu baaqaynaa in Somaliland tahay dalkeena Aabo (Our Father Land Of Somaliland), oo ay ina sugayso. Waxan idin leenahay, ha is odhanina waa inaad sugtiin Somaliland, laakiin fahamsanaada in Somaliland idinka idin sugayso. Dalkeena Aabo, wuu inna sugayaa dhammaanteen. Is weydiintuna waxay tahay, nin la sugayoow, maxaad sugi?.
(5). Xuska 18-ka May
Intaa ka skow, haddii an u soo noqdo munaasibada qaaliga ah ee an caawa idinkala soo qayb galay, oo ah sannad guuradii 22aad ee kasoo wareegtay markii aynu qaranimadeenii iyo gobanimadeenii dib ula soo noqonay. Waxay ii tahay sharaf iyo farxad balladhan oo an lasoo koobi karin in markii ugu horraysay intii Somaliland jirtay an xuska 18-ka May, kaga qayb galo qurbaha, waliba aniga oo matalaya qarankii ay maalintaasi u curatay. Malaha waxa iga farxad badan ayaan is odhan karaa qofka isaga ay maanta u tahay markii ugu horraysay ee xafaldan uu kaga qayb galo dalka gudihiisa, isaga oo 21-kii sanadood ee ugu danbeeyay qurbaha joogay oo xuskan kaga qayb gali jiray qurbaha.
Qurba joogta Somaliland, waa tiir dhexaadka ay ku taagan tahay Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa daraadeed, inaan idinla wadaago farxadda munaasabadan qaaliga ah, oo halka ad joogtiin idiinku imaado, waxay ii tahay hadyadda ugu sharafta badan ee sannadkan 2013.
Waxan filayaa inaad ka dheragsantihiin taariikhda maalintani leedahay iyo sobabaha keenayba. Waxanse jeclahay oo xusid mudan inaynu xusuusino dadka reer Somaliland,oo qaarkood maalintani siyaabo kala duwan uga hadlaan. In maalintani ay tahay maalin Qaran balse aanay ahayn maalin qabiil ayaan rabaa inay dadkaasi ogaadaan.
Sobabta ay u tahay maalin qaran waxa weeyi, ummaddii ku noolayd gobolada Woqooyi ayaa tashaday, isu yimiday kuna heshiiyay inay xornimadoodii dib ula soo noqdaan, oo maalintaas ku suntaan. Iyagoo xor ah oo qaran ah ayay dadka woqooyigu markoodii horeba ku biireen koonfur soomaaliya, hadana iyaga oo xor ah oo qaran ah ayay dib ula soo noqdeen, oo ka goosteen walaalahoodii Koonfur.
Hal qabiil kalidii ma goosan, kalidiina calanka ma qaadan, kalidiina maalintan ma dooran, kalidiina dawlad ma noqon. Haddii ay taasi jirto, aniga oo ah C/Raxmaan Saylici ma noqon kareen madaxweye ku xigeenka dalka. Sidoo kale Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ma ahaadeen madxweynihii Somaliland ee hore. Sidaas iyo si la mid ahna Mudane C/Raxmaan Aw-Cali Faarax ma noqdeen Madaxweyne ku xigeenkii naga sii wada horreeyay ee Somaliland.
Beel kasta oo ka tirsan dalka Somaliland, way u tirsan tahay dalkan Somaliland, hogaankana way qaban karaan, Lawyacaddo ilaa Laascaanood, waa loo siman yahay waana la wada leeyahay Somaliland. Sidaa daraadeed 18-ka May, waa maalin weyn, oo ah astaan qaran. U sarakaca 18ka May, sacabkana u tuma. 18-ka May ha waarto, Somaliland ha noolaato, idinkuna noolaada.
Waxan hadalka kaga baxayaa, oo halhayskeenu yahay, Wanaaga dhisaha, Xumaan dhaafaha, wixii dhacayaba dhankiisa hayaha, wadaniga dhabta ah Alloow dhawr, Somaliland Alloow dhawr.
Sidaa Iyo Nabad iyo Caano Iyo Somaliland Guul, Somaliland Ha Noolaato.
VP Saylici speech in London
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4824
- Joined: Wed Jan 09, 2013 4:58 pm
- Location: east south west north
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 799 Views
-
Last post by highclass
-
- 11 Replies
- 1243 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 33 Replies
- 1339 Views
-
Last post by miss_sweets
-
- 53 Replies
- 3753 Views
-
Last post by PRinCeS_LicK
-
- 1 Replies
- 5484 Views
-
Last post by Minneapolis Mayor
-
- 0 Replies
- 358 Views
-
Last post by SecretAgent
-
- 3 Replies
- 432 Views
-
Last post by Ka darag
-
- 2 Replies
- 470 Views
-
Last post by DatBreh
-
- 6 Replies
- 1151 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 2 Replies
- 178 Views
-
Last post by SahanGalbeed