Cumar Buraale ready to talk with Jubaland state.

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

MarsinQorahay
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3328
Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
Location: Hawd bartu geela ka daaqo.

Cumar Buraale ready to talk with Jubaland state.

Post by MarsinQorahay »

Cumar Buraale oo ka mid ahaa Raggii dhawaan Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose kaga dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha Waamo State ayaa markii u horeeyay ka hadlay Xaaladda Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Waamo State ayaa soo ban dhigay sida uu diyaarka ugu yahay inuu la kulmo Madaxweynayaasha kale ee wada sheeganaya Maamulka Jubba land taasoo uu sheegay inuu diyaar u yahay in la wada hadlo isla markaana la isu tanasulo.

Buraale oo hadalkiisa sii wata ayaa sharxaad dheeraad ah ka bixiyay sababaha keenay in illaa dhowr Madaxweyne lagaga dhawaaqo Magaalada Kismaayo kuwaas ooh al Magac wada wata.

Madaxweynaha Waamo State ayaa arrintaa ku macneeyay wada tashi la’aan u dhaxeeya siyaasiinta ku sugan Magaalada kismaayo oo ay ahayd ka hor intaan Xilkaas lagu dhawaaqin in laga wada arrinsado.


Madaxweynaha Waamo State Cumar Buraale ayaa dhankiisa muujiyay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Mas’uuliyiinta kale si looga hadalo xaaladaha haatan ka taagan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dhinaca kale siyaasi u hadlay Maamulka Jubba land ayaa dawladda Federaalka Soomaaliya u soo jeediyay in ay la shaqayso isla markaana ay taageerto Maamulka uu Hormuudka u yahay Shiikh Axmed Madoobe.

Siyasigan oo ka mid ahaa raggii hore isugu soo sharaxay Xilka madaxtinimada Jubba Land isla markaana tartanka la galay Axmed madoobe ayaa sheegay in ay yihiin Shacabka Maamulka Jubba land Dawladdana ay ka sugayaan in ay taageerto isla markaana ay aqoonsato Maamulka Jubba land iyadoo la ilaalinayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka jira illaa dhowr Madaxweyne oo uu mid walba goonidiisa u sheegayo inuu yahay Madaxweynaha Sharcigaah ee Jubba land.

Xafiiska war qabadka kismaayo 24 ee Muqdisho.
http://kismaayo24.com/ :blessed:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Jubada Hoose”