Page 1 of 1

Mujahid Axmed Siilaanyo on his way to France paris

Posted: Sat May 25, 2013 8:44 am
by Khalid Ali
Oo Casuumad Rasmi Ah U Fidisay Madaxweyne Siilaanyo Hargeysa Safiirka dawladda Faransiiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Etienne De Poncins oo shallay booqasho ku yimid magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ayaa u gudbiyey madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo martiqaad rasmi ah oo dawladda faransiisku u fidisay madaxweynaha Somaliland.

Ambassador Etienne De Poncins oo shallay kulan kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xarunta madaxtooyada ee caasimadda Hargeysa ayaa u dhiibay waraaq martiqaad ah oo u usoo dhiibay ra’isal wasaaraha dalka France Jean-Marc Ayrault waraaqdaasi oo weedhahii ku qora ay ahaayeen sidani

“Mudane madaxweyne waxaan halkani kuugu soo gudbinaya martiqaad rasmi ah inaad timaado France si aad kulano ula yeelato dawladda iyo madaxda dalka faransiiska markasta oo wakhtigu ku saamaxo” ayaa lagu yidhi waraaqda.

Safiirka France ee Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Etienne De Poncins oo la hadlaayey warfidiyeenadda ka dib markii uu kulanka la yeeshay madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in faransiisku uu aad u danaynaayo inuu xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi la yeesho Somaliland “waxaan halkani u imid in la bilaabo waji cusub iyo xidhiidh cusub oo siyaasadeed oo aanu jecelahay inuu u furmo Somaliland iyo France, waxaa France ay jeceshahay inay xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeedba la yeelato Somaliland” ayuu yidhi Ambassador Etienne De Poncins oo ka jawaabaayey su’aal ay war fidiyeenadu weydiiyeen.

Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Hollande ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ka soo qayb gallo munaasabadda 50 sanno guuradda aas aaskii ururka Midawga Afrika oo lagu qabanayo magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Hollande oo dhawaan la hadlaayey telefishanka Africa24 ayaa u sheegay in Faransiisku uu doonayo inuu balaadhiyo xidhiidhkii uu la lahaa qaarada Afrika.