Madaxweyne Xigeenka Jubbaland State of Somalia Gen C/laahi Sh Ismaaciil ayaa laf ahaantiisa ka soo jeeda gobolka Gedo, waxaana ay warar lagu kalsoonaan karo oo si aad ah ugu dhaw-dhaw Madaxweyne xigeenka sheegayaan in xubno sare oo ka socda IGAD, Saraakiil Sare oo ka tirsan Dowladdaha deriska iyo Taageerayaasha Jubbaland State ay dhawaan u soo ambabixi doonaan Gobolka Gedo, si loo gaarsiiyo maamulka Jubbaland State of Somalia, loona habeeyo maamulka gobolka oo ay dowladda Muqdisho faraha kula jirto.
Socdaalkaan oo lagu sheegay mid lagu dhisi doono maamulka deegaanka Gedo ee Dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana uu noqon doono mid lagala tashado dadka deegaanka Odayo dhaqameedyada, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo dadka caqliga u saaxiibka ah ee ku haray gobolka Gedo.
halkaan kala soco wararka xaqiiqada ah ee dowladda Jubbaland State.