Published on June 1, 2013 by Mowliid · No Comments · 1,256 views
Shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa bilaabay sanadkan iney usoo xagaa baxaan Magaalada Muqdisho halka ay sanadihii hore xiliyadan oo kale u xagaa bixi jireen dalal kale waxaana arintan ugu wacan isbedellada amni ee ka jira Caasimadda Dalkeenna.
Inbadan oo ka mid ah shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa qorsheeynaya in sanadkan ay usoo xagaa baxaan magaalada Muqdosho halka tiro ka mid ah dadkaasi ay soo gaareen Muqdisho, kadib markii uu soo hagaagay amaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Qaar ka mid ah Shacabka reer Jabuuti ayaa isu diyaarinaya ineyba shaqooyin ka helaan Soomaaliya oo xiligan cagta saaratay wadadii dib u dhsika iyo kasoo kabashadii burburka. Iyadoo qaar ka mid ah dadkaasi oo la hadlay Radio Muqdisho ay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin ifafaalaha nabadeed ee ka soo muuqanaya Soomaaliya.
Sanadihii hore ayaa dadka ku nool Jamhuuriyada Jabuuti marka la gaaro xiliga kuleylaha waxa ay u xagaa bixi jireen wadamada Ethiopia, Sudan Yemen iyo qeybo ka mid ah maamulka Somaliland.
The Two brotherly countries



