Golaha Saacid Shirdoon (Congrats) Well Done!!!!!

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

Amirsade
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1176
Joined: Wed Jan 14, 2009 6:47 am
Location: Villa Ruugcadagii kala Rogaha Raasmaalka

Golaha Saacid Shirdoon (Congrats) Well Done!!!!!

Post by Amirsade »

Image
Bahda somaliTalk.com waxay umadda Soomaaliyeed la qaybsanaayaan sidaan ugu faraxsanahay go'aankaas ka dawladda Soomaaliya, waana go'aankii ugu wanaagsanaa ee ay dawlad Soomaaliyeed qaadatay 22-sano kaddib, waana ugu hambalyaynyaa ummada Soomaaliyeed in ay laga bilaabo maanta haystaan dawlad ayaga (Soomaalida) maatasha, una dhaga nugul shacabka Soomaaliyeed. Waana guul ummadda Soomaaliyeed oo dhan usoo hoyatay.
Image Image

Go’aanka Golaha Wasiirada DFS ee ku aadan dhererka xadka badda Soomaaliya

June 6, 2013 - Golaha Wasiiradu waxay shirkoodii todobaadlaha ahaa ee maanta ka soo sareen go’aamada hoos ku xusan ee la xiriira arrimaha badda Soomaaliya:-

1. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ayid-san-tahay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu gaaray August 1, 2009, ayna xildhibaanadu ku diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed. Is afgaradkaas oo dhacay April 7, 2009 ayana magaalada Nairobi Kenya ku saxiiiseen Wasiirkii Xiriirka Caalamiga ee DFKMG iyo Wasiirka Arrimaha Didabadda ee Kenya. Is afgaradkan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ku sifeeyay waxba kama jiraan (Null & Void).

2. Sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Qaramada Midoobay March 12, 2010 ee ay ku cadeeyeen in Is-fahamka (MOU) dhex maray DFKMG iyo Kenya uu yahay mid aan la cuskan karin ka dib markii Baarlamaanka Federaalka ku meelgaarka uu diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin.

3. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.

4. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay cadeyneysaa inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.

5. Dhanka kale dawladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay ka go’antahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee soo jireenka ahaa. Waxayna dawladdu soo dhawaynayaa wadashaqeynta labda dawladdood ee la xiriira dhanka dib-u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xoojinta amaanka xuduudaha labada dal wadaagaan.

DHAMAAD
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”