Tan iyo markii ay ciidamadii ugu badnaa ee hortaagnaa cadowga Al-Shabaab ay ka baxeen Jiidda Hore difaaca gobolka Gedo, waxaa Walaac ka muujiyey arintaas shacab waynaha Reer Gedo, kana codsaday in Ciidamadaasi inay ku noqdaan goobahoodii, Dowladda Somaliyana ka codsaday inay faraha kala baxdo arinta Gobolka Gedo oo aad moodo in loo doortay kaliya fara galinta Shacabka Gedo
Magaalada G/haarey oo ah jiidda hore ee difaaca ciidanka Gedo waxaa iminka ku soo haray ciidan yar oo u badan kuwa Ehlu-Sunna. Lama garanayo sida ciidankani ay isaga caabin doonaan haddii ay Al-Shabaab soo weeraraan.
Waxgaradka Gobolka Gedo ayaa baaq u diray in Ciidanka Col Sareey ay fiiriyaan danta shacabkooda, iskana indha tiraan hagardaamada Dowladda Somaliyeed.
Waxay waxgaradkani codsadeen in ciidanku ay dib ugu laabtaan, goobahoodii, arinta muranka dhalisayna si is afgarad ah lagu dhameeyo.
Lama garanayo sida ay Saraakisha Sare ee ciidankaasi uga jawaabi doonaan codsiga shacabka iyo waxgaradka Gedo.
DS oo Laga Codsaday Inay Faraha Kala Baxdo Gedo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- Posts: 168
- Joined: Wed Dec 16, 2009 11:41 am
- Location: Baled xawo ,gedhweyne ,dollow,shatolow.damase
Re: DS oo Laga Codsaday Inay Faraha Kala Baxdo Gedo
Wednesday, June 05 @ 14:24:29 EDT
Warar aanu ka helayno jiidda hore ee difaaca gobolka Gedo, magaalada G/haarey ayaa cadaynaya in ciidan aad u farabadan oo ku hubaysan hub kala nooc ah iyo gawaari gaashaaman oo uu korkacayo Taliyiha Ciidanka Gobolka Gedo Col Jamaal Sareey ay isaga ruqaansadeen G/haarey ayna Gaareen Degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Arintaan ayaa lagu micneeyey lugooyooyinka ay Dowladda Soomaliya ka wado gobolka Gedo, iyo waliba inay Shacabka Gedo ay xabad isugu dhibayso , iyadoo mar walba is badal aanan loo meel dayin ku samaynaysa hogaamada Sare ee Cidanka iyo maamulkaba.
Waxay tani sababaysaa in Kooxda Aldhabaab ay ku dhiiradaan inay weeraro is daba joog ah ku qaadaaan deegaamadii laga saarey sanado badan ka hor.
Sida ay wararku nagu soo gaarayaan waxaa iminka G/haarey ku haray tiro yar oo ciidan ku badan Ehlu Sunna
Col Jamaal Sareey iyo ciidanka baneeyey jiidda difaca ayaa gaaray degmada Doolow iyagoo dagay xiradii ay ka soo ambabaxeen 3 sano ka hor.
Ciidankaan ka baxay jiidda DIfaaca ayaa dhabar jab ku ah qorshaha la dagaalanka Al-Shabaab
Wixii soo kordha halkaan kala soco

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 391 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 0 Replies
- 544 Views
-
Last post by Amirsade
-
- 21 Replies
- 2871 Views
-
Last post by Django
-
- 24 Replies
- 1584 Views
-
Last post by Lacageylacag
-
- 0 Replies
- 271 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 300 Views
-
Last post by KacdoonSool