Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxa dagaal maanta ku dhexmaray bartamaha magaalada Kismaayo maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidammo taageersanaa mid ka mid ah raggii ku dhawaaqay inay madaxweynaha ka yihiin maamulkii looga dhawaaqay Kismaayo ee Jubaland.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in saddex qof oo laba shacab ah iyo mid ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ay ku dhinteen dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale oo laba ka mid ah ay ahaayeen shacab.
Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo rogay bandow, iyagoo waddooyinka ay ku sugan yihiin ciidammo fara badan ka amarqaata maamulka Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo la xiray dhammaan goobihii ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.
“Ciidamadii dagaalamay waxay isku horfadhiyaan isgoyska Somali Star ee xaafadda Calanleey, waxaana weli laga maqlayaa magaalada rasaas mararka qaarkood dhacay xiisad ayaana taagan,” ayuu yiri wariyaha HOL uga soo warrama Kismaayo, Xasan Nuur.
Sidoo kale, wariyuhu wuxuu sheegay in xiisad aad u kacsan ay ka jirto gudaha magaalada, dadkuna ay cabsi badan muujinayaan, wuxuuna xusay in baqdinta ugu weyn ee la qabo ay tahay inay mar kale dagaalamaan dhinacyada uu dagaalku dhexmaray.
Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah madaxweynayaasha sheegtay inay madax u yihiin maamulka Jubbaland oo dagaalka qayb ka ah ayaa sheegay inay isku-dayeen ciidammo ka tirsan kuwa Sheekh Axmed Madoobe inay afduubaan taasna ay keentay inuu dagaalku qarxo.
“Dagaalkan wuxuu ahaa mid lagu doonayo in aniga la igu afduubo, waxaana i soo weeraray ciidamada Axmed Madoobe, waana ka baxsaday,” ayuu VOA-da u sheegay Iftin Baasto oo sheegay in weli ay ka taagan tahay Kismaayo xiisad kacsanaan ah.
Xiisaddan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo u dhexeysa rag isku haysta xilka madaxweynimo ee Jubbaland oo ka dhacda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay uga digtay in khilaafka ka taagan Kismaayo uu sababi karo gacan ka hadal.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Mujaahidiinta Jubbaland oo Bandow kusoo rogay Kismaayo.
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 470 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 1 Replies
- 322 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 0 Replies
- 361 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 492 Views
-
Last post by Berke
-
- 10 Replies
- 909 Views
-
Last post by yeyleboy
-
- 3 Replies
- 485 Views
-
Last post by Coldoon
-
- 11 Replies
- 1699 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 43 Replies
- 2902 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 4 Replies
- 614 Views
-
Last post by original dervish
-
- 63 Replies
- 4893 Views
-
Last post by oxymoron
