SNETLEAK waxay idin soo gubinaysaa DOC#36sade456
Assalaamu calaykum
Mudanayaal iyo wanlawaynayaal waxaa iinoo furmay kala-fadhigii shanaad ee beesha barakaysan ee sanadlaha ahaa, waxaan u mahad celinayaa marti sharafka kasoo qeyb galay oo annaan hal mar wada magacabi karin waqtiga oo nagu yar awgeed. waa shardi inaan ku bilaabo magaca eebe cazaawajalle naxariistisana rasuulka korkiisa ha mudnaate, intaas ka dib.
Annagu Hadaan nahay beesha Sade daarood, waxaan nahay Hogaanka beesha daarood, hadafkayaga waxaan ka gaarnay kursiga ugu sareeye ee beesha oo dhan eey u hanqal-taagto had iyo goor Taasna waxay ku timid waa illaahay mahadiis iyo siyaasada beesha oo la dhihi karo marwalba waan kaga guulaysanaa cid walba oo ishortaag ku samayso beesha barakaysan.
Siyaasadda majeerteen uu dheelayo waa mid annaga faaido weyn innoogu jirto,waayo marwalba waxay ka shaqeeyaan siday noo mucaaraadi lahayeen, hadaad tagto puntland maqaayadaha ku oollo, waxaad is oronaysaan meeshaan lagama seexdo miyaa, waxaa habeenkii oo dhan lagu soo-jeeddaa sidee baan kablalax ooga horkeeni karnaa beesha sade, waanna arin laga niyad-jabo in maanta eey gobol dhan siyaasadeeda kusoo koobanto hal beel ah oo kaliya.
Dhulbahante waa beesha kaliya ee walaalaheen oo muufo hal-weel kuwada cunni karno, waxaan u fidinay red carpet madaxdoodii laga mabnuucay, garoonka puntland inay kusoo dagaan caabudwaaq, waxaan af iyo labadeed hiil iyo hoob ku siinay inaan kaga difaacno beesha kusoo duushay ee dhulbalaarsiga wado iyadoo lawada ogsoon yahay beesha hadda jeebka ku wadato ee hartida isla sheegteen inay dayaceen oo meel cidlaa ooga tageen, marka beeshaan kala daadsan oonaan garaneyn dantooda wa inaan waaninaa oo kasoo reebnaa ninka isaga ahaa ee saaqiday, waana xaqqa ka dhaxeyso labo beelood oo walaal ah.
waxaa isoo hartey beesha ogaadeen, annagu waan isla dagnaa beeshaan walaalnimada naga dhaxeyso,hadii maanta beesha majeerteen ay naga raaceen oo waxaan suurtagal aheyn laga dhaadhacshey waxaan leenahay iyagaa cirka roob ku og, waa lawada ogsoon ayahay shalay siduu faroole ooga gadayey melez zenaawi maantana siyaasadii iyo talladii ogaadeen waxay u dhiibteen majeerteen, hadabaa nin taladiisa nin kale u dhiibtey miyaa wax kheir ah soo wado. waa maya. hadabaa ahmed madoowe halgankii uu ugalay innuu xoreeyo jubooyinka waxay noqotey hal bacaad lagu lisay, intaas waa arriimaha guddaha beesha
Arrimaha dibadda beesha hadaan kusoo gunnaanado, beesha sade waataqaana roadmapka siyaasadooda iyo dantooda meeshay oogu jirto, statistic oo jariiradda new york times lagu soo daabacay bishii april ee nasoo dhaaftey ayaa lagu xusay beesha ugu taageerada badan ee loogu jecel yahay haday noqoto hamiga shacabka kala duwan ee soomaaliyeed baa waxay innoo qireen innaan anagu nahay beesha sade.waxay kaloo iftiimiyeen goboloda jubooyinka inaysan qof annaan aheen beesha sade hogaamin karin, waana lawada ogsoon yahay hal gobol iyo bar inay tahay sade, kismaayo aysan aqoon hogaan aan aheen sade.
walaalayaal yaanaan hadal badan innugu daaline, maanta majeerteen haduu jeebka gashtey ogaadeen iyo dhulbahante, mareexaan waxuu ku faani karaa inay gacanta ugu jirto beesha hawiye iyosiyaassad ahaan beelaha kale ee daaroodka aheyn inay ku qanacsanyihiin beeshaan uu ilaahay barakeeyey, iyadoo taasi ay soo raacdo beelweynta caalamka.


