Taliyihii cadowga RasKibaki oo hadda geeriyooday

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Taliyihii cadowga RasKibaki oo hadda geeriyooday

Post by AhlulbaytSoldier »

War Deg Deg Ah: Taliyihii Amaanka Raaskibaki Oo Hadda Geeriyooday & Xiisado Ka Jira Kismaayo

Kismaayo(AGGM) Waxaa hadda gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubba Hoose ku geeriyooday Taliyihii Amaanka Ciidamada Raaskambooni oo shalay dhaawac culus ka soo gaarey dagaalkii ay la galeen ciidamadii uu hogaaminayey Istiin Xasan Baasto oo sheegta inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland.

Sarkaalkan ayaa ahaa sarkaal si weyn looga yaqaano Magaalada Kismaayo isla markaasna ka mid ahaa Saraakisha ugu firfircoon ciidamada Raaskambooni kaasi oo lagu magacaabi Jirey Col: Cawil Aadan Halac ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo shalay ka soo gaarey dhinaca dhabarka. Sidoo kale waxaa Shalay dagaalkaasi ku geeriyooday sarkaal sare oo lagu magacaabi jirey Cabdi Muuse oo isna ka tirsanaa dhinaca Axmed Madoobe.

Sarkaalkan ayaa ku geeriyooday isbitaalka Ciidamada Amisom ku leeyihiin Garroonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo halkaasi ooa y dhaawaciisa kula tacalayeen ciidamada Kiiniya,waxaana la sheegey in dhaawac badan halkaasi ay ku daawaynaynaa oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Sarkaalkan maanta Geeriyooday ayaa noqonaya sarkaalkii 3aad ee ciidamada raaskambooni xil muhiim ah ka hayey isla markaasna ay galaafteen dagaaladii labada maalmood ka socday gudaha kismaayo,Waxaa shalay isna dagaalkaasi ku geeriyooday sarkaal kale oo lagu magacaabi jire Cabdi Muuse halka uu maalinimadii jimcihi isna geeriyoodey sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Col Cago Dhiig.

Dhinaca kale Xaalada magaalada kismaayo ayaa kacsan waxaana wali jira dhaqdhaqaaayo ciidan oo ay wadaan kooxihi ku dagaalamay magaalada kismaayo,waxaana ay wali isku hor fadhiyaan degaanadii ay shalay ku dagaalameen,waxaana dhinaca ssaxafada la hadlay labada dhinac oo midba midka kale ku eedeynayo inuu dagaalkaasi masuuliyadiisa lahayeen.

Si kastey ahaataba lama sadaalin karro meesha ay cago dhigan doonto magaalada kismaayo iyadoo ay ku loolamayaa kooxo badan oo kala feker ah isla markaasna doonaya inay qolo kastaa u sareyso magaalada Kismaayo. Waxaana arrintaasi walaac xoogan ka muujiyey shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo oo jecel inay nabad ku nooladaan balse loo diidan yahay sida muuqata.




The only good traitor is a dead one.
User avatar
Garuun
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 615
Joined: Thu Feb 26, 2009 5:44 pm
Location: PanSoMali Liberation Movement: Sovereignty First.

Re: Taliyihii cadowga RasKibaki oo hadda geeriyooday

Post by Garuun »

is this same Cawil?

Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland oo maanta dhintey
Published: June 9, 2013

Kn: Maxamed Cabdullaahi Cawil oo ahaa madixii PS-ta ama sirdoonka maamulkii KMG ahaa ee Kismaayo ayaa maanta u dhintey xabad wadnaha kaga dhacday.

Waxaa la sheegey in Cawil ay afduubteen maleeshiyaadkii shalay magaalada kula dagaalamay ciidamada maamulka Jubbaland ee Sheekh Axmed Madoobe.

Labbadii maalmood ee lasoo dhaafay ayuu dhaawac daran ahaa, waana mas’uulkii ugu darajo sareeyey ee laga dilo maamulka cusub ee Jubbaland.

KismaayoNews.com
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Taliyihii cadowga RasKibaki oo hadda geeriyooday

Post by grandpakhalif »

rk feeling the heat
MaliPirate
Posts: 198
Joined: Thu Dec 13, 2012 9:28 pm
Location: Got cookies?

Re: Taliyihii cadowga RasKibaki oo hadda geeriyooday

Post by MaliPirate »

Guul to the Jubbaland folks, Dead to Raskibaki occupiers :blessed:

:up: :som:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”