FIQI returns to Xamar carrying injured militia
Posted: Mon Jun 10, 2013 11:36 pm
I feel sorry for DF Fiqi they have sullied the mans rep by sending him on this "kala fur-fur" mission to Kismaayo.

Fiqi oo dhaawac wata oo Xamar ka dagay
June 10, 2013 // admin1 // News
Cabdixakiin Xaaji Fiqi iyo wafdigii DFS ee kusugnaa garoonka Kismaayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.Fiqi oo goor dambe oo maanta ah shir saxaafdeed ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu horay usoo qaaday qaar kamida dhaawacyadii dagaalkii Kismaayo oo sida uu sheegay waalidkood ka codsaday in la qaado.
Fiqi ayaa sheegay in dhaawacyadan lagu daweyn doono isbitaalada AMISOM ee kuyaala magaalada Muqdisho.
Maamulka Jubbaland ayaa horay ugu eedeeyay in Fiqi uu ka dambeeyay dagaalkii ka dhacay Kismaayo waxayna ku eedeeyeen in maleeshiyaadkii maamulka la diriray uu isagu hubeeyay sidaa darteed la yaab malaha in dhaawicii maleeshiyaadka uu Xamar geeyo.
Wasiirka gaashaandhiga iyo dhaawacyo gaaray Xamar
Published: June 10, 2013
Kn: Wasiirka gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdixakiim Fiqi ayaa maanta ka dhoofey magaalada Kismaayo oo uu ku sugnaa dhowr iyo tobon maalmood.
Dayuuraddii wadday ayaa ka dagatay Xamar, waxaana xusid mudan in ay la socdeen illaa 6 dhaawacyo saraakiil la sheegey in ay ka tirsanyihiin ciidanka Militariga Soomaaliya, kuna dhaawacmay dagaalo ka dhacay Kismaayo.
KismaayoNews.com