
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Maanta Waxa lagu qabtay Hub u socday Maleyshiyaadka dagaalka ka wada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Bar Kantarool oo ay Maamulaan Ciidamada Amisom ee fariisinka ku Leh Degmada Afgooye ayaa lagu qabtay Hubkaan.
Hubkaan ayaa ka Koobnaa Noocyo kala Duwan Sida: AK-47 ,Bardalool(Dabajeex) ,Baasuukayaal iyo Bunbooyinka Noocyada Gacanta laga Tuuro,Waxana Tirada Hubkan lagu sheegay 500.
Hubkaan Ayaa Waxa lagu waday Baabuurka nooca loo yaqaan Indha Taree,Waxaana Iska lahaa Hubkan Sida uu Sheegay Dareewalka Baabuur Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Dowlada Federaalka Soomaaliya C/raxman kulmiye Xirsi Wasiir oo kasoo Jeeda Beesha Khiikhaal.
Wasiir ku Xigeenka Gaashaandhiga C/raxmaan kulmiye Xirsi Wasiir ayaa sida la Aaminsanyahay Hubkan ugu tallo Galay sidii Khalkhal Amni ugu Abuuri lahaa deegaanada Jubooyinka Gaar Ahaan magaalada Kismaayo oo ay dhowaantan Dagaalo ka dhaceen.
Isku soo wada Duubo Masuuliyiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa in Mudo ah Waxa ay y Ku Mashquulsanaayeen Hurinta Colaad Gobolada Jubooyinka Gaar Ahaan Magaalada Kismaayo ,Kuwaas oo aysan Indhahoodu qaban dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku Nool Dalka Koonfur Afrika
Instead of helping to stop the violence and acting as a gov for all, the xamar administation is supplying weapons to clan militias. i guess this country would never change. shameful






