Kismaayo: (pp)- Madaxweynaha Jubbaland State Axmed Islaam (Axmed madoobe) iyo wefdi uu hogaaminayey ayaa ku soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka J/hoose. Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo mudo asbuuc ah safar ugu maqnaa dalka Kenya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo ugu horeeyo M/kuxigeenka Jubbaland Gen. Fartaag.


Madaxweynaha ayaan loo soo galbiyey aqalka madaxtooyada Jubbaland, isagoo kulamo gooni gooni ah la qaatay masuuliyiinta gobolka, iyagoo ka wada hadlay Xaaladihii ka dhacay magaalada tan iyo intii uu ka maqnaa magaalada.
Magaalada ayaa ammaankeeda aad loo sugay , iyadoo wax walba ay u socdaan sidii loogu tala-galay. Ciidamada amaanka ayaa aad looga dareemayaa inay amaanka ay aad u dhowrayaan , iyadoo aad looga foojigan yahay koxoo la sheegay Al-shabaab in ay si dhuumaalaysi ah ay ku joogaan magaalada Kismaayo, isla markaasna ay ka qayb qaateen dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo dhow casho ka hor, dagaaladaas oo ay dabada ka riixaysay dowlada Xasan sheekh , si khal khal siyaasadeed looga abuuro deegaanka Jubbooyinka.

















