Waxa goordhow lagu dhawaaqay Madaxweynaha Sedaxda Sano ee soo socoda hogaamin Doona Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Ku xigeenkiisa.
Hoolka weyn ee Xarunta Madaxtooyada Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa soo buux dhaafiyey dad farabadan oo iyagu daawanayey sida ay wax u socdaan Musharaxiinta, Baarlamaanka iyo Golaha Guurtida, Tirinta Codadka Kadib ayaa waxa si rasmi ah loogu dhawaaqay Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb oo loo doortay C/laahi Cali Maxamed Kadiye kadib markii uu helay Cod gaaraya 20-cod
Sidoo kale waxa isla goobta loogu Codeeyey Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb kaasi oo isla loo Doortay Cabdi Cabdi Maxamed Axmed (Cabdi Guus) oo helay 22-cod
Xaflada oo hada la soo gebe gebeeyey ayaa waxa Khudbado kala duwan ka soo Jeediyey Masharaxiintii Looga Guuleystay Xilka, Madaxda Hada la doortay ee Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb.
Sidoo kale waxa Madasha ka hadlay Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Maclin Aadan Tiiceey kaasi oo si weyn ugu hanbalyey Madaxweynaha Cusub iyo ku xigeenkiisa sheegayna inuu la shaqeyn doono.
Munaasanada Hada waa ay soo dhamaatay waxan Goordhow idiin soo gudbin Doonaa Hadii uu Allah Awooda lahi raali ka noqdo Khudbooyinkii laga jeediyeyMunaasabada oo ay soo xaadireen ku dhowaad 500-Qof iyo Sawiro kala duwan.




Hambalyo Mudane Cabdulaahi Maxamed Kadiye "Baarleex". Noqo kii dadkiisa iyo dalkiisa anfaca !!

