

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK David Cameron, isla markaana ka qeybgalay xafladda dhalashada Boqortooyada UK, isla galabtanah khudbad ka jeediyey shirka hordhaca G8 oo looga hadlayey arrimaha canshuuraha, ganacsiga xorta ah iyo maamul wanaaga.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey David Cameron sida uu arrimaha Soomaaliya door hoggaamineed uga qaatay. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, horumarka ballaaran ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee dalka Soomaaliya iyo sidi dalka dib loogu dhisi lahaa.
Madaxweynaha ayaa warbixin kooban ka siiyey David Cameron xaaladda dalka, shirkii Yokohama ee dalka Japan, qorsheyaasha dib u heshiisiinta dalka iyo sidii dowladda UK ay door muhiim ah uga qaadan laheyd shirka Brussels ee 16ka September 2013.
Madaxweynaha ayaa maanta ka mid ahaa madaxda caalamka ee ka qeybgalay xafladda Boqortooyada Ingiriiska Queen Elizabeth II oo ah markii ugu horreysey ee Madaxweyne Soomaaliyeed lagu casuumo xafladan muhiimka ah oo muujineysa sida David Cameron uu ugu qanacsanyahay hoggaanka Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo qorsheyaashiisa cad-cad ee Soomaaliya lagu gaarsiin lahaa nabad, bash-bash iyo barwaaqo.
Xafladda Boqortooyada ka dib, Madaxweynaha waxaa qado sharaf u sameeyey David Cameron iyo ku xigeenkiisa. Ka dibna Madaxweynaha iyo madaxda kale ee caalamka waxey ka qeybgaleen shirka hordhaca G8 oo lagu qabtay xarunta Lancaster House ee London oo Madaxweynaha uu halkaas khudbad taariikhi ah ka jeediyey.
Shirkan ayaa looga hadlayey arrimaha Canshuuraha, Ganacsiga, iyo sidii kheyraadka looga ganacsado sida shidaalka loogu heli lahaa hab fur-furan oo kalsooni siin kara shacabka deegaanada kheyraadka leh, oo uu David Cameron oo ah Guddoomiyaha Sanadkan ee G8 uu aad u daneynayo oo go’aanada ka soo baxa shirkan uu la tagi doono shirka Madaxda G8 oo ka dhici doono Waqooyiga Ireland 17ka iyo 18ka June.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegey in Soomaaliya maanta ay dhidibadda u aaseyso haykalkii dowladda oo ku dhisan maamul wanaag iyo in dhaqaalaha dalka loo sameeyey nidaam keeni kara kalsooni oo uu sheegay in shirkan G8-ka uu muhiim u yahay dalalka Soomaaliya oo kale oo ka soo kabanaya collaado una gudbaya nabad iyo horumar.
Madaxwweynaha khudbadiisa waxuu ku sheegey in Soomaaliya ay diyaarisay shuruucdii lagu maamuli lahaa maalgashiga dalka iyo sidii kheyraadka dalka laga soo saaro loogu maamuli lahaa si fur-furan, isagoo uga mahadceliyey David Cameron sida uu caalamka hormuudka uga yahay arrimaha maamul wanaaga iyo horumarka oo Soomaaliyana ay ka faa’iideysan doonto khibradaha dalka UK.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xasan Suleebaan ayaa lagu wadaa inay 16ka Juun 2013 soo gabogabeyn doonaan safarkooda London.
-

ummit.
(London, 15 June 2013) The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sh. Mohamud, accompanied by Minister of Finance H.E. Mohamud Hassan Suleyman, is in London today where he will meet with several G8 leaders and attend the G8 OPEN FOR GROWTH: TAX, TRADE AND TRANSPARENCY event. The 3T’s are the theme of this year’s G8 Conference.
On this trip, President Hassan’s main aim is to engage the G8 leaders and encourage them to trade with and invest in Somalia. Since investment and trade will play significant roles in restoring peace, President Hassan is making sure that these leaders know that Somalia is increasingly open for business.
President Hassan will meet with the Prime Minister of the United Kingdom. The UK Prime Minister and his administration continue to show unwavering support to the Federal Government of Somalia. The UK officially re-opened its embassy in Mogadishu after twenty years.
“Somalia is located in a very strategic area geographically. It has every possible potential in terms of location and natural resources for trade and investment. Today the world is ready to engage with Somalia more than ever before. We need to capitalize on this golden opportunity”, said President Hassan.
The President concluded his remarks by saying that job creation for the youth is one way of tackling the root causes of piracy and extremism and that youth employment is certainly key for Somalia’s development and stability.
ENDS
For further information or enquiries please contact Malik Abdalla, Director of Communication by email: media@presidency.gov.so