Raskambooni has been defeated they run to airport

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Raskambooni has been defeated they run to airport

Post by grandpakhalif »

Kismaayo(AGGM) Xilligan oo habeenimo ah waxaa madaxtooyada Jabhadda Raaskambooni ka socda dagaal aad u culus kaasi oo u dhexeya Ciidamada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire Iyo Haraadiga Jabhadda Raaskambooni,waxaana dagaalkani yahay xilligan mid ku kooban xarunta madaxtooyada u ahayd Kooxda Raaskambooni.

Dhamaan meelihi ay ku sugnayeen jabhadda Raaskambooni waxaa si xoog ah ula wareegey ciidamada Col Bare Aadan Shire waxaana la sheegaya in gacanta lagu hayo Maxaabiis badan oo jabhadda Raskambooni ka tirsan iyo 4 gaadiidka dagaalka ah,waxaana ciidamada jabhadda Raaskambooni noqdeen sidii tusbax dabada laga furey markii xabadu bilaabatey.

Xarunta Jabhadda Raaskambooni waxaa ku socda madaafiic aad u xoogan oo ciidamada Bare hiiraale ku garaacayo,waxaana sidoo kale ciidamadan raaskambooni la sheegaya inay codsanayaan inay isa soo dhibaan isla markaasna laga daayo madaafiicda,dagaalkan ayaa ah mid xoogan isla markaasna safeyn ahaa.

Dhaawaca iyo dhimashada labada dhinac ayaa la sheegayaa inay daadsan yihiin wadooyinka kismaayo iyadoo Maleeshiyaad badan oo jabhadda Raaskambooni ka tirsan laga dul qaatey qoryihi way wateen,waxaana dagaalkan yahay midkii ugu xumaa ee kismaayo ka dhacay intii dagaalada soo laab laabtey ka dhaceen magaalada kismaayo.

Ugu dambeyntii Dagaalkan maanta ayaa sababay in Raaskambooni dhamaan farisiimihi ay ku lahayeen magaalada kismaayo laga wareegey iyadoo ay ku harsan yihiin Madaxtooyada oo hadda dagaalo culusi ka socdaan isla markaasna lagu hareereysan yahay. Dhinaca kale dagaalkan ayaa imaanaya xilli uu madaxweyne Bare hiiraale balan ku qaaday inaan kismaayo aysan sii joogi doonin Jabhadda Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

:stylin:
User avatar
Typhoon
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2210
Joined: Wed Apr 14, 2010 1:42 am
Location: Ubi concordia, ibi victoria - Publius Syrus

Re: Raskambooni has been defeated they run to airport

Post by Typhoon »

Image

calanley is were we need to be, house by house

shaah hadi utanga lugu karin

archduke, who is guarding us from the mogadishu front, is saciid trustworthy and reliable
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”