Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay xabsiga u taxaabeen Abaanduulaha Ciidamada dowladda ee Jubooyinka Col. Cabaas Gurey.
Ciidamada Kenya ayaa saaka ku xiray garoonka diyaaradaha Kismaayo Sarkaalkan, iyagoo u duuliyay magaalada Wajer ee Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan saldhig ciidamada cirka Kenya ku leeyihiin halkaas.
Saraakiisha Kenya ayaa ku eedeeyay Sarkaalkan inuu ku lug lahaa dagaal maalin ka hor ka dhacay Kismaayo, isla markaana uu amar diido sameeyay, waxaana shalay ay isku fahmi waayeen kulan dhex maray.
Xariga Sarkaalkan ayaa xiisada magaalada sii kiciyay, iyadoo dagaal culus uu ka socdo magaalada oo dhan, waxaana dagaalka si weyn ugu wada lug leh ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni.
Col. Cabaas Gurey ayaa ka mid ah labada sarkaal ee dowladda Soomaaliya u soo magacawday hogaanka ciidamada ku sugan Jubooyinka.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa dhinacyada isku haya magaalada, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalada ay sii xoogeystaan.
La soco wixii ku soo kordha
I know you should throw away the used condom, but arresting it.

