[quote="xoogSADE14"]surria
cali-dhuux was an isaaq guy that was a lackey for the british colonizers so he hated sayidka because he was fighting his masters

[/quote]
you dumb fu.ck walahi you made me laugh, why are you attempting to talk about waxaananad waxba ka ogayn, you know nothing abou somali peotry so please dont imbarras yourself like that.
Cali dhuux was dhulbahante and not issaq, he was famous for his femenine like poems which he used to try and stir trouble between different tribes, he was what somalis called Diradiraale who always used to lose the argument.
lone of his famous trouble striring was when he dissed the ogadeens whom lost a fomous war to Hy in Hawd regions, which he said..
Doqonkii Ogaadeen ahaa Doollo laga qaadye
Loo diid Dannood iyo hadduu degi lahaa Ciide
Nimanbaa dalkoodiyo xukuma labadi daaroode
Darraatoole iyo Faafanoo wada duraabaaya
Deegaanta haraday ku tiil daaqi mahayaane
Deex kama mareershaan halkay deleb ku beerneyde
Markii duraha jiidaal kacee doogga la idlaysto
Duurkiyo dayada Hawd markay Debec ku soo oonto
Laaski uu ku dalandooli jiray loogu degi waaye
Alla daw guduuddii Wardheer kama durduuraane
Dawadeedu waa Jeerinley uga dul geeraare
Ceelkii biyaha diirranaa looma dawdabo'e
Dixda Qarandi Deeroy Mataan loo dardari waaye
Maantana dukaamaa la dhigay degelki Gaafoowe
Darar kagama maalaan Camuud diiqo iyo xoore
Dixda Raygaleed iyo Gargaar laysu dacareeye
Dayr baaba lagu meeriyoo loo dabbaal degaye
Wardheeroon dagaal xumi ka dhicin dig iyo baaruudi
Doox iyo Doh iyo Faafanna waa soo dalbanayaane
Kuma dalaaqin naagii inaanay dib uga laabmayne
Iiddoorku siduu damacsanaa loo diyaafadiye
Hadba dunida duul baw kacoo diin la soo shira'e
Dar Illaahay uun baa xaggiis looga soo diraye
Sow sida Darwiishkii Isaaq duub cad uma qaadan
Makaahiilku doy uguma kicin degeya Hiiraane
Daacuunku meeshuu ku leyn uma dalluumeene
Daal iyo hadhuudh kuma cuneen degelki Haarweyne
Habar-Yoonis bay uga durkeen degeladoodiiye
Dullinimo inay qaayibeen waxaw daliilkiiya
Dadba weli ma arag Reer-Subeyr duul ka soo baxaye.....
In the End Cali dhux was battered out of existance and he announced his most disgracefull peom, in it he said..
Gunbaan ahay ganbo-cad baygu xidhan, iyo gar naagoode
Gaashaantimaha sidoodoo kalaan, guur u sugayaaye
Aniga iyo hablaha loo galmoodo, waan gudboonahaye
Jeer oon ganboolka iska rido, guudka iga saaran
Ogaadeenka noo soo gabyoow, waa gar xaajaduye
