29 June 2013 Waagacusub.com-Maleeshiyadda Barre Hiiraale ayaa xalay saqdii dhexe gumaca rasaasta kula wareegay Madaxtooyadda Hogaamiyaha Jabhada Raaskambooni iyo inta badan gacan ku heynta Magaalada Kismayo.
Xoogaga Barre Hiiraale waxay sidoo kale qabsadeen xarunta degmada Kismaayo, saldhigga booliska,xarunta Gobolka K2,suuq Yaraha,suuqa shidaalka,Xarunta Idaacadii ku hadli jirtay afka Ahmed Madoobe iyo dhammaan xarunta gaadiidka FIAT.
Dagaalka oo la xaqiijiyay inay ku dhinteen ku dhawaad konton qof ayaa socday ilaa shalay,waxaana xilli dambe ku biiray Ciidamada Dowladda Somalia iyo Maleeshiyadda hogaamiye beeleedka Iftin Hassan Baasto.
Dagaalyahanada beesha Cawro male ee Iftin Baasto oo loo bixiyay guutada jugta culus iyo ma jixin jixiyaasha ayaa xalay dhoolatus balaaran ka sameeyay Aargada Kismayo oo ay sedex gaadiidka dagaalka uga qabsadeen Maleeshiyadda beesha Ogaadeen ee Jabhada Raaskambooni.
Ciidamadda Kenya ee ku sugan Dekadda iyo Garoonka Kismayo ayaa isku dayay inay difaacaan Madaxtooyadda Ahmed Madoobe iyo Idaacadii ku hadli jirtay afka Jabhada Raaskambooni hasse yeeshee dagaal jihooyin badan ka qabsaday darteed ayey ugu dambeyn ka baxeen aagaas.
Sida muuqato Kismayo waa lagu kala baxay,waxaana gudaha Magaalada ka biloowday in dadka loo laayo AANO qabiil.
Maleeshiyadda Beesha Cawramale ee hore loo liidi jiray ayaa loo taag waayay,waxayna xirteen wadada gasha Dekadda Kismaayo.
Xeeldheerayaasha ku sugan Kismaayo waxay Waagacusub u sheegeen in saacad walba uu qarxi karo dagaal u dhaxeeya huwanta Barre Hiiraale hogaaminayo iyo Ciidamadda Kenya.
Hogaamiyaha Jabhadda Raaskambooni oo Addis Ababa kula shirsan Madax ka tirsan Dowladda Somalia ayaa ku waabariistay in Magaaladii uu ku gorgortamay lala wareegay gacan ku heynteeda.
Xaruntii Axmad Madoowe oo gacanta u gashay Barre Hiiraale
Moderator: Moderators
- zingii
- SomaliNet Super
- Posts: 9937
- Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
- Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.
Xaruntii Axmad Madoowe oo gacanta u gashay Barre Hiiraale
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 604 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 1 Replies
- 268 Views
-
Last post by dhuudhuu
-
- 3 Replies
- 638 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 2 Replies
- 730 Views
-
Last post by ibrahimcw
-
- 11 Replies
- 3193 Views
-
Last post by Adali
-
- 21 Replies
- 1955 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 3 Replies
- 991 Views
-
Last post by Kismaayo21
-
- 30 Replies
- 4023 Views
-
Last post by Addoow
-
- 38 Replies
- 4419 Views
-
Last post by Gedo_Boy